Dawladaha Ingiriiska, Denmark iyo Netherlands ayaa meel mariyey heshiisyo horumarineed oo ay la galeen Xukuumadda Somaliland

Dawladaha Ingiriiska, Denmark iyo Netherlands ayaa oggolaaday heshiisyo ay la galeen Xukuumadda Somaliland oo ku saabsan kaabayaasha muhiimka ah ee lagu horumarinayo nolosha dadka

Wejiga labbaad ee barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2), Boqortooyada Midowday, Denmark iyo Netherlands waxay oggolaadeen afar heshiis oo ay la galeen Dawladda Somaliland si kor loogu qaado kaabayaasha muhiimka ah ee lagu taageerayo kobcinta dhaqaalaha. Mashaariicdan ayaa mudnaanta koowaad siinayey Wajiga Labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Somaliland, waxayna horumarin doontaa nolosha boqolaal kun oo dad ah oo ku nool guud ahaan Somaliland. Heshiisyada cusub, ee lagu taageerayo mashaariicda wadooyinka, tas-hiilaadka beeraha, nidaamyada biyaha iyo kaluumeysiga ayaa dardar galin doona koboc dhaqaale oo anfacaya gobolka isla markaana gacan ka geysan doona sidii loo heli lahaa deganaansho, nabad iyo adkeysiga Somaliland iyadoo la sii wanaajinayo adkeysiga masiibooyinka mustaqbalka iyadoo loo marayo biyo la hagaajiyay, fayadhowrka iyo nadaafadda.

Mashaariicaha laga hirgelinayo waxaa ka mid ah:

1. Dib-u-dhiska wadada isku xidha Burco iyo Sheekh-Berbera ee gobolada Togdheer iyo Saaxil

2. wax soo saarka beeraha ee beeraleyda yar yar ee gobolada maroodi-jeex iyo Awdal

3. Taageerida wakaaladda Biyaha Hargeysa

4. Dhismaha kalluumaysiga Maydh ee gobolka Sanaag

Heshiisyada cusub, ee lagu taageerayo mashaariicda wadooyinka, nidaamyada beeraha, biyaha iyo kalluumeysiga, waxay horseedi doonaan koboc dhaqaale, oo gacan ka geysan doonaa taageerida deganaansho iyo barwaaqo Somaliland

Bandhige@gmail.com