Rabshadaha Itoobiya: 166 qof ayaa ku dhintay mudaharaadyo ka socda, kadib dilkii fanaan caan ka ah dalkaas

Ugu yaraan 166 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyo rabshado wata oo rabshado wata oo Itoobiya ka dhacay maalmo kadib dilkii fannaanka caanka ah Haacaaluu Hundeessa, booliska ayaa yiri.

“Kadib geeridii Hachalu, 145 qof oo rayid ah iyo 11 ciidamada amaanka ah ayaa naftooda ku waayey qalalaasaha ka jira gobolka,” ayuu yidhi Girma Gelam, taliye kuxigeenka booliska gobolka oromiya, isagoo u warramayay Shirkada Fana Broadcasting Corporate ee ka tirsan gobolka Sabtidii. 10 qof oo kale ayaa la ogyahay inay ku dhinteen caasimada Addis Ababa.

Haacaaluu, oo ahaa heesaa caan ah Isla markaana xubin ka ah qowmiyadda oromada, ee ugu weyn Itoobiya, ayaa waxaa lagu dilay weerar aan la garanaynin oo ka dhacay Adis-ababa habeenimadii Isniinta, iyadoo ay sii kordhineyso xiisadaha qowmiyadeed isla markaana ay halis ku tahay kala-guurka dimuquraadiyadda ee dalkaasi. Shan qof ayaa loo qabtay dilkiisa.

Haacaaluu, oo ah 36-jir heesaha luuqadda Oromada iyo gabayga qoraa ayaa Khamiista lagu aasay isagoo ku sugan magaaladiisa Ambo, oo qiyaastii 100km galbeed ka xigta Addis Ababa.

Bandhige@gmail.com