Dawladda Hoose ee Burco oo Digniin ka soo Saartay Qubista Qashinka

Burco (Dawan) Dawladda hoose ee degmada Burco ayaa digniin u dirtay bulshada magaalada, gaar ahaa kuwa aan ku shubin khashinka goobihii ay ugu talogaleen.

Dowladda hoose ee degmada Burco ayaa olole nadaafadeed ka fulisay degmada Sheekh Bashiir, gaar ahaan xaafada Xero Gaaska, qaybta dooxa xigta.

Masuuliyiinta dowladda hoose ee Burco waxa ay sheegeen in ololahan ay ku nadiifinayeen xaafadaha iyo goobaha lagu shubay qashinka, waxa ay intaas ku dareen in bulshadu ay caddeysteen in qashinka ay ku shubaan goobo aanay munaasib ahayn in lagu shubo, waxaaney fareen inay ka waantoobaan ku shubista qashinka goobaha aan loogu tallo galin.

Dowladda hoose ee degmada Burco ayaa Khamiis kasta sameysa olole nadaafadeed oo qashinka kaga xaadheyso hadba degmadii iyo xaafadii ay u aragto in ay mihiim tahay in qashinka laga xaadho.l

Gaba-gabadii masuuliyiinta dowladda hoose ee degmada Burco, waxa ay sheegeen in ciddii ka hor timaada amarada iyo fariimaha dowladda hoose in la ganaaxi doono isla markaana sharciga la horgeyn dooono.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com