Waxa Xisbiga Kulmiye loo Asaasay Midnimada iyo Difaaca Somaliland”

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye u taaganyahay Midnimada iyo difaaca qaranimada Somaliland.

Wasiir Cabdinaasir Muxumed Xasan ayaa waxa uu intaasi ku daray in Xisbiga Kulmiye ku guulaystay Ictiraafkii 33 sanno Somaliland la raadinaysay.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa xisbiga Kulmiye loo aasaasay oo lagu doortay waa Midnimada, horumarka Somaliland iyo difaaca qaranimada Somaliland, waxa inala tartamaya xisbi aan ka badheedhin qaranimada Somaliland in ay jirto, Galaal waxa uu lahaa qaranimada Somaliland ma jirto.”

Wasiirku waxa uu sheegya in Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay in uu keeno ictiraafkii ay Somaliland raadinaysay 33-ka sannadood, waxaanu yidhi Xisbiga KULMIYEwaxa uu dalka keenay Ictiraafkii oo aynu baadigoobaynay 33 sanno, ubaxii dalka ayuu yidhi Cirro xabada isku dhiga, waana laga xisaabtami doonaa. waxaana xisbi ahaan aanu garab taaganahay khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyay labada gole ee in cadaalada la hor keeno dadkii laayay Ciidanka. waxaana Xisbiga Waddani kiis kaas uga qaylinayaan rag badan ayay galaysaa, doorashada iyo iskuma xidhma dadkii dhibaatada gaadhsiiyay Ciidamada”.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com