Somaliland 23 Qof oo Xannuunka Xumadda u Geeriyooday

Hargaysa (Dawan) Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa soo saaray warbixin daaha ka feyday tiradii ugu badneyd ee dad ah ee ay soo ridatay xanuunka xumaddu sannadihii kala dambeeyay ee ilaa 2022 iyo 2024.

Cisbitaalku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in laga soo bilaabo October 2022 ilaa June 2024, uu cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa diwaangeliyay 2871 bukaan oo Xumad nooca la yidhaahdo Dengue Fever ay ku dhacday.

Sidoo kale warbixinta ay soo saareen masuuliyiinta cisbitaalka guud waxa ay ku xuseen in 1232 kamid ahi ay ahaayeen Rag, halka 1639 kamid ahani ahaayeen Dumar .

Geesta kale warbixinta cisbitaalku waxa lagu sheegay in 2036, ka mid ah bukaanadii cisbitaalka soo gaadhay in loo sameeyeey adeeg-bixin caafimaad oo bukaan-socod ah, halka 835 kamid ah la dhigay cisbitaalka oo ay noqdeen bukaan jiif.

Dhanka kale warbixinta cisbitaalku soo saaray ayaa daboolka ka qaaday in 1723 ka mid ah bukaanadii cisbitaalka soo gaadhay ee la diwaangeliyay ay da’doodu ka yareyd 30 jir, halka 774 kamid ah ay da’doodu u dhaxaysay 31 jir ilaa 50 jir, halka sidoo kale 374 kamid ah ay da’doodu ka weyneyd 50 jir.

Gaba-gabadii warbixinta uu soo saaray cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa lagu sheegay in dadka xumada u dhintay ay tiradoodu dhan tahay 23 bukaan kuwaas oo inta badan haween u badnaa.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com