Dawladda Hoose ee Caasimadda oo soo Bandhigay Kharashka ku Baxaya Dhismaha Jidka 150ka

Qore: Cabdiwahab Daahir

Hargaysa, (Dawan) Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, ayaa ka hadashay dhismaha jidka 150-ka, nashqada loo dhisi doono, lacagta ku baxaysa iyo dhererkeeda, waxa ay sheegeen in 19 milyen oo dollar ay ku baxayso dhismaha wadadan.

Geesta kale waxa ay xuseen in jidkan dhererkiisu yahay 13 Km, isla markaana u kala gudba afar degmo oo ka tirsan caasimada Hargeysa.

Dhanka kale dowladda hoose waxa ay la shirtay culimada, ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka caasimada Hargeysa.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda hoose ee Hargeysa, waxaanu u dhignaa sidan:.

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa, ayaa isugu yeedhay qaar ka mid ah Culimada,Ganacsatada iyo Odoyaasha dhaqanka Caasimadda, mudanayaal gole deegaan si ay ugu soo bandhigto qorshaha dhismaha waddada 150-ka oo dhererkeedu dhan yahay 13-km, lacag ahaana la soo bandhigay in ay ku kacayso lacag dhan, 19 Million oo dollar.

Waddadani waxa ay isaga gudbaysaa afar Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Caasimadda (Macalin Haaruun, Gacan Libaax, 26june iyo Ibraahin Koodbuur.

Waxaa iska kaashanaaya Xukuumadda dhexe, dawladda hoose, ganacsatada, shacabka, Culimada dalka iyo beesha Caalamka wixii aynu ka helno.”

Gaba-gabadii jidka xaafada 150-ka ayay dhibaato xoogan ku qabeen adeegsigiisa gaadiidka iyo dadku, balse markii dowladda hoose shaaca ka qaaday qorshaha jidkan lagu bineynayo farxad iyo rayn rayn ayay dareemeen bulshada adeegsata jidkani.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com