Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo Dalbaday in loo yeedho Wasiiraddda Macdanta iyo Ganacsiga

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dood ka yeeshay ahmiyada ay macdantu u leedahay dalka, waxaaney xuseen sida ay laga maarmaanka u tahay in la horumariyo macdanta waddanku, isla markaasna looga faa’ideysanlahaa.

Sidoo kale qaarka mid ah mudaneyaasha ayaa tallo ahaan u soojeediyeen in dhuxul dhagaxda dalkeenu hodanka ku yahay la soo saaro bulshadana looga faa’ideeyo.

Dhanka kale waxa ay mudaneyaashu ka hadleen sida ay laf dhabarta ugu tahay adeegbixinta korontadu dalka, waxaaney ka dalbadeen masuuliyiinta Korontada in ay hoos u dhigaan qiimaha adeega Laydhka, si bulshada danyarta ahi u helaan koronto jaban.

Mudaneyaashu waxa ay shirguddoonka ka dalbadeen in la soo gola joojiyo wasiiradda wasaaraddaha tamarta iyo ganacsiga si wax looga weydiiyo hawlaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com