Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay dadka ku tabaaloobay abaaraha kulul ee ka jira gobollada bariga dalka Somaliland u soo dirtay Markab raashin mucaawimo ah oo ay ugu talogashay samato-bixinta bulshada abaaruhu taseeyeen. Markabkaas oo jidka ku soo jira, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku dhow-dhow xafiiska wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta.
Markabkan raashinka ah, ayaa la sheegay in dawladda UAE ay kaga jawaabtay baaqii caalamiga ahaa ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo u diray beesha caalamka oo uu kaga dalbaday in gurmad bini’aadanimo lala soo gaadho dad lagu qadaray 1.5 Milyan oo abaaruhu saameyn taban ku yeesheen.
Waxa kaloo dawladda Imaaraadku bilaabaysaa 20 ceel biyood oo waaweyn oo ay ka binaynayso deegaannadii abaaruhu ku habsadeen ee ku yaalla Somaliland, iyadoo dhawaan ay qiimeyntii ceelashaasi dhammeystireen wefti khubarro ah oo ka socday Imaaraadka carabta oo uu wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya UAE danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar.
Sidoo kale, waxa safaarada Somaliland dedaal u gashay inay kasbato dawladda imaaraadka carabta oo ah dal qaniya oo mashaariicdiisa horumarintu ka waxtar badan tahay kuwa dunidda reer galbeedka.waxaanu dalkaasi maalgeliyay mashruuc la xidhiidha biyo ballaadhinta caasimadda oo xilligan gabogabo ku dhow.
bandhige@gmail.com