Sheekh Shariif oo Insha Allaahudii soo Illaabay, markuu Ingirisiga bartay! (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

 

Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa waxa uu ka mid aha madaxda fara ku tiriska ah ee marka ay hadlayaan laga dheehan jiray hadaladooda in ay ku badan tahay waxyaabaha Diniga ah sida Aayado Qur’aana iyo Axaadiista Nabiga CSW oo uu soo qaato.

Waxa uu ka mid ahaa ragga inta badan marka ay khudbadaynayaan ku halqabsada Quraanka iyo Axadiista Nabiga csw,taasi waxa ay wakhtigaasi u ahayd dhaqamo iyo astaan ay dadku ku yaqaneen.

Sheekh Shariif waxa uu soo noqday madaxdii sare ee Maamulkii Maxkamadaha isaga oo kasoo qabtay xilkii ahaa Xoghayahii Maxkamadaha, taasina waxa u sahlay in uu marka hore ahaa nin lagu tilmaami karo in uu u janjeedho dhinaca Diinta.

Sheekh Shariif waxa uu asaaskiisa nolosha uu ahaa nin wadaad ah, isla markana qunyar socod ah, waxa lagu tilmaami jiray in uu ka mid ahaa culimadii qunyar socodka ahaa gaar ahaan garabyadii aadka ugu dagaalami jiray in shareecada Islaamka wax lagu maamulo.

Sheekh Shariif waxaa xukunka madaxnimada uu warejiyay sanadkii 2012 kadib markii uu doorashadii kaga adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud,taasina waxa ay keentay in uu sheekh shariif iyo dhamaan qoyskisiiba ay ka haajiraan dalka.

Sheekh Shariif wakhtigii uu dalka ka maqnaa oo lagu tilmaami karo ugu yaraan 5-4 sano waxa uu ku maqnaa wadamada Yurub iyo Maraykan, taasi oo markasta idacadaha laga maqli jiray in uu sheekh Shariif u-gunti-gaabsaday sidii uu dhinaca Luqada Ingirisiga isaga soo dhisi lahaa.

Haddaba wakhtigan aynu joogno Sheekh Shariif waxa uu ku soo noqday magalada Muqdisho halkaasi oo uu ka wado olole-siyasadeed oo uu doonaayo in uu madaxnimada mar labaad uu ku soo baxo.

Waxyaabaha layaabka leh ee isoo jiitay markii aan dhagaystay Khudbadahiisi ayaa waxa ay ahaayeen, Sheekh Shariif oo aan hadaladiisii ka waayay kalmadii hal-hayska u ahaan jirtay ee INSHA ALLAH, taasi oo ah kalmad waajib ay tahay in qofkastaba uu balanqaadkiisa ku daro, maadaama aanu ogayn wax uu la kulmi doono.

Haddaba Sheekh Shariif oo hore kalmadaasi si aad ah u isticmaali jiray wakhtiyadii hore, ayaa hadda markii uu soo bartay luqadii Faranjiga ama Ingirisiga, waxoogaa siminaarana uu ka soo qaatay Reer Galbeedka, ayaa gabi ahaanba waxa hadalkiisa ka tirtirmay ama kaba baxday kalmadii khayriga ahayd ee Insha Allaah, taasi oo uu ku badalay in waxkastaba uu yidhaado waan qabanayaa.

Intiinii daawaday waxa laga yabaa in Khudbadaha uu hadda jeediyay haddii aad u fiirsataan qaar ka mida, waxa ku jira hadalka ah:-

Aniga rajada aan ka qabo in aan madaxwayne noqdaa waa boqolkiiba boqol, waa kuu sheegaa, madaxwaynaha haddaba soo socdaa waa aniga ee haddaba ku talagal.

Dhaqamada iyo afkaarta shisheeye dhibteeda ayay leeyhiin haddii adan wax badan ka taxadarinna waxa dhici kartaba in fikirkaaga iyo maskaxdaadaba ay badalaan, ogow haddii maalinkasta ay hal kalmad kaa lunto waxa meesheedii soo galaysa mid qalaad oo aadan adigu lahayn.

Kalmada ah INSHA ALLAH maaha wax la sahashado, waxanay ku tusinaysaa in waxkastaba ay yihiin kuwo ku xidhan Illaahay Amarkiisa, taas aawadeed ha lagu dadaalo Isha Allah in uu carabkeenu barto oo aynaan marnaba aynaan ilaabin.

Sheekh Shariifna waxaan rajaynayaa in uu dib kasoo xasuusan doono kalmadii uu halhayska u lahaan jiray ee aanu sidaasi kaga tagi doonin.

Wabilaahi Tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

WQ: Khadar Ibraahim Aar