Dawladda Itoobiya waxay ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, kadib markii 52 ku dhinteen isriix-riix mudaharaad

Dawladda Itoobiya ayaa waxay ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah kadib markii 52 qof ay ku dhinteen isriix-riix ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya, Axaddii.

Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ka hadlaya waxa sababay dhimashada.

Raysal-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay isriix-riixa ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad ‘Nabad diid’ ah.

Mucaaridka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala ceydhiyeen dadkii mudaharaadka dhigayay.

Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen in ay goobta ka baxsadaan.

Ra’iisul Wasaare, Hailemariam Desalegn, ayaa khudbad uu taleefishinka qaranka Itoobiya ka jeediyay wuxuu ku amaanay ciidammada ammaanka.

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.

Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dawladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaadhinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.

Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi ka qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.

Xigasho: BBC Soomaali

bandhige@gmail.om