Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo waxay gaadheen Ingiriiska

Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa gaadheen magaalada London, halkaasi oo  si diiran loogu soo dhoweeyey kadib markii muddo afar cisho hawlo shaqo u joogeen Imaaraadka Carabta.

Madaxwayne Siilaanyo iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu qayb ka ahaa guddoomiyaha, ahna musharaxa jagadda Madaxweynaha xisbiga Kulmiye ayaa soo dhowaynta ballaadhan ee lagu qaabilay, oo aanay u kala hadhin jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddankaasi ingiriiska iyo masuuliyiintooda, waxa si weyn uga dhex muuqday xubnaha golaha wasiirada ee iyagu hore u sii joogay halkaasi, madaxda xisbiga kulmiye ee UK iyo sidoo kale maamulka xisbi xaakimka Kulmiye

Madaxwaynaha ayaa  la filayaa in uu kulamo la qaato masuuliyiinta dawladda Ingiriiska iyadoo la sheegayo in ay ka wada hadli doonaan arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale waxa la filayaa in uu madaxwayne Siilaanyo la kulmi doono Jaaliyada Somaliland ee ku nool Dalka Ingiriiska.

bandhige@gmail.com