Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadal dhowaan ka soo yeedhay xukuumadda Muqdisho….

kaas oo ku saabsanaa heshiiskii is afgarad ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Ethiopia.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland oo nuqul kamid ahi soo gaadhey wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheeay in heshiiska is afgarad ee ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Ethiopia uu ku qotomo iskaashiga dhinacyada wadaaga danaha labada dal,sida amniga,ganacsiga,horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha,waxaana war-saxaafadeedkan lagu sheegay in heshiiskani yahay mid go’aan madaxbannaan oo ay gaadheen laba waddan oo madaxbannaani,isla markaana aan u baahnayn oggolaanshaha dhinac saddexaad.

Waxa sida oo kale war-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland lagu sheegay in isfahamkan ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ethiopia salka ku hayo is-ixtiraam iyo rabitaanka wada jirka ah ee xasiloonida gobolka,waxaanay cadeeyeen in dhawaaqa Soomaaliya ka soo yeedhay ee halka dhinac ahi yahay mid sharci daro ah,kaas oo si badheedh ah loogu jebiyay shuruucda caalamiga ah,kaas oo muujinaysa sida ay Soomaaliya u xaqirayso aayyo ka tashiga shacabka Somaliland.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxa sida oo kale lagu sheegay in heshiiskan is-faham ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ethiopia uu ilaalinaayo wadajirka dhuleed ee dhmmaan qaramada ku lugta leh,iyada oo warsaxaafadeedkan sida oo kale lagu cadeeyay in heshiiskani kobcinaayo wada-noolaashaha nabdoon iyo iskaashiga gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa maamulka Muqdisho ugu baaqday in ay ka tanaasusho hadal-haynteeda duugowday oo ay ixtiraamto rabitaanka iyo rejada mustaqbalka malaayiin reer Somaliland ah.

War-saxaafadeedkan waxa lagu sheegay in ay Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal madaxbannaan oo is maamula,isla markaana leh dastuur u gaar ah oo ay muwaadiniintiisu si sax ah u ansixiyeen 2001-kii,iyada oo laga qabtay Jamhuuriyadda Somaliland doorashooyin dimuqraadi ah oo badan ,sida dastuurku dhigaayo,iyaga oo adeegsanaaya xuquuqdooda dastuuriga ah ,si ay u doortaan wakiiladooda,heer kasta oo dawladeed.

Xukuumadda sida saxda ah loo doortay ee sharciga ah ayaa awood u leh in ay hesiisyo la gasho dawlad ama hay’ad kasta oo kale oo diyaar ah,iyada oo la sugaayo ansixinta kama dambaysta ahee wakiillada,ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida oo kale,wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaantay macluumaad been abuur ah oo ay tixraac ahaan hadalkiisa ugu daray maamulka Muqdisho,iyada oo wasaaraddu sheegtay in sheegashada maamulka Muqdisho uu yahay mid aanay waxba ka jirin.

Ugu dambayn,dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay markale cadaysay in ay ka go’an tahay in ay si nabadgelyo ah ugu raad caynayso madax-bannaanideeda iyo raadinta aqoonsi caalami ah,waxa aanay caddaysay in in iskaashiga iyo wada-haddalku ay lama huraan u yihin la helo nabad iyo xasillooni waarta oo Geeska Afrika ah.

Xigasho:Telefiishanka Qaranka JSL

Bandhige@gmail.com