Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ka qayb gashay Shir-weyne Caalami ah oo ay….

kasoo qayb galeen in ka badan 50 Waddan oo Islaam ah.

Agaasimaha Waaxda Sakada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Mudane Maxamuud Maxamed (Abu-Cubayda) ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qayb galay Shirwaynaha sanadlaha ah ee Filistiin”Annual Palestine Forum”.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50 Wadan ayaa lagu soo bandhigay Cilmi baadhisyo iyo buxuus badan oo khuseeya qadiyada Falastiin.

Shirka waxaa soo Agaasimay Arab Center for Research and Policy Studies kaas oo kaashanaya Doha Institute for Graduate Studies iyo Institute For Palestine Studies.

Maxamuud Maxamed Abu-cubayda Agaasimaha waaxda sekeda ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Shirkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada ay leedahay in Falastiin la garab istaago iyo doorka ay xukuumada Somaliland ka qaadatay garab istaaga falastiin.

Mr Abu-cubayda waxa uu ugu dambayntii kulan doceedyo khuseeya Arimaha Falastiin iyo doorka Jamhuuriyadda somaliland ka qaatay uu u sharaxay madaxdii kasoo qayb gashay.

Shirkan Caalamiga ah ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ka qayb gashay ayaa kor u qaadaya xidhiidhada ay Somaliland la leedahay Aduunyada sidoo kalena waa tusaale xiiso leh oo ku Saabsan Siyaasada Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Abuurida Xidhiidho midho dhal ah si Somaliland uga qayb qaadato hawlaha ka socda caalumul islaam.

 

 

Xigasho:Somaliland news Agency Bandhige@gmail.com