DAAHFURKA XARUNTA CILMIBAADHISTA CAAFIMAADKA EE CUSBITAALKA GUUD EE MAGAALADA HARGEYSA…

Waxa manta oo ku taariikheysan 11-kii bisha Febuary -2024, ka qabsoomay Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, munaasabad ballaadhan oo lagu daahfurayay Xarunta Cilmibaadhista Cafimaadka ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Yagleelka xaruntan cusub oo hammiga iyo ujeedka laga leeyahay uu ahaa sidii xaruntan u noqon lahayd goob lagu derso xanuunnada iyo dhibaatooyinka caafimaad ee bulshadeenna la soo dersa iyo weliba sidii xog dhammaystiran looga heli lahaa waxyaabaha sababaya ee bulaalinaya Xanuunnada Guud ee bulshadeenna ku badan ama ku soo noqnoqda, xog-heliddaas ka dibna xal waara loogu heli lahaa daaweynta iyo dabarjarka guud ahaan mushkiladahaas caafimaad ee bulshadeenna dhibaateynaya.

Daahfurka xaruntan cusub oo ay ka soo qeybgaleen: Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, Masuuliyiin ka kala socda jaamacadaha waaweyn ee dalka, Hay’adaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Cusbtitaalka Guud ee Hargeysa kala shaqeeya arrimaha horumarinta caafimaadka, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Cusbitaalka, mudan iyo martisharaf kale oo door ah.

Furitaankii munaasabadda waxa hadalka iska dabaqaatay masuuliyiintii ka socday Hay’adaha iyo Jaamacadaha dalka, iyaga oo dhammaantood si isku mid ah hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay leedahay Daahfurka Xaruntan Cusubi, sidoo kalena ku ammaanay, kuna bogaadiyay cid kasta oo hirgelinta hawshan weyn ka qeybqaadatay.

Intaas dabadeed Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo isna dhankiisa ka hadlay goobtaas ayaa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hirgalinta xaruntani, isaga oo sheegay; in tan iyo furitaankii ugu horreyeysay ee Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo ku beegnayd 1953-kii ay tahay xaruntan cilmibaadhis ee maanta la daahfurayaa noqon doonto middii ugu horreysay ee uu yeesho Cusbitaalka Hargeysa iyo guud ahaan dalka Somaliland.Gunaanadkii munaasabadda Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka: Mudane, Liibaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug, oo si rasmi ah u daahfuray Xarunta Cilmibaadhista Caafimaadka ayaa bogaadiyey mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka soo shaqaysay hirgelinta xaruntan, oola rajeynayo in ay xal u noqon doonta dhibaatooyinka caafimaad ee bulshadeenna iyo baahiyaha gaarka ah ee ka jira Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

 

Xigasho:Somaliland news Agency

Bandhige@gmail.com