Wefti Uu Hoggaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha JSL Oo Kormeeray Dhul-beereedka Gobolka Sanaag….

Weftiga oo labadii Maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Ceerigaabo, ayaa hore u soo maray Gobollada Togdheer, Daad-madheedh Iyo Saraar op Wasaaradda Beeruhu Mashaariic ka waddo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, waxa kormeerka ku weheliya Agaasime-waaxeedyada Qorshaynta, Wax soo-saarka iyo Hanti-dhowraha Wasaaradda Beeraha.

Kormeerkan waxa qayb ka ahaa Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Sanaag iyo xubno ka mid ah khuburrada Wasaaradda.

 

Xigasho:Somaliland news agency

Bandhige@gmail.com