Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiiradda JSL iyo Gudida Farsamada Dhaqaalaha ayaa maanta oo ay tahay 11/02/2024 kulan ku yeeshay hall ka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta,

Kulankaas oo lugu ansixinayo qodobada warbixinta ka soo baxay Shirweynaha Madasha Dhaqaalaha 2aad ee 2023.

Qodobaddan ayaa ahaa.

1. Ansixinta Warbixinta ka soo baxday Shirwaynaha Madasha Dhaqaalaha 2aad 2023.

2. Si Guud Ansixinta Mudnaanaha Mashaaricda laqabanayo.

3. Isku xidhka Mashaaricda iyo Qorshaha Hormarinta Qaranka III

Markay dhagaysteen Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiiradda JSL, taas oo ku salaysnayd lixdii Mawduuc ee lagaga dooday Madasha Dhaqaalaha 2aad 2023, Sidaas na waa ku ansaxeen.

 

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka

Bandhige@gmail.com