Dawladda Qatar Oo La Filayo Inay Hargeysa U Soo Dirto Wefti Culus Oo Diyaarad Gaar Ah Ku Sidda Mucaawino

Hargaysa (Bandhige) Dawladda Qatar ayaa la filayaa inay magaalada Hargeysa u soo dirto wefti culus oo wata diyaarad gaar ah oo ay ku sidaan mucaawino ay ugu tallo galeen ka hortagga xanuunka Covid_19.

 

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in weftigani ay Hargeysa soo gaadhayaan toddobaadkan, waxaana la filayaa inay mucaawinada ku wareejiyaan guddiga ka hortagga xanuunkan oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

 

Si rasmi ah looma oga in deeqdan ay dawladda Somaliland ka codsatay dawladda Qatar iyo inay dawladda Qatar si iskeed ah isugu xilqaantay inay shacabka reer Somaliland soo gaadhsiiso mucaawino.

 

Wasiirka arrimaha dibadda oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan ka waraysto ayaanay u suurtogelin.

 

Deeqdan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee dawladda Qatar uga timaada si toos ah ee soo gaadha shacabka reer Somaliland.

 

Dadka aqoonta u leh diblomaasiyada ayaa tilmaama in mucaawiyoonku yihiin aalad la mid ah amaba ka xoog badan diblomaasiyada, lamana garan karo in arrintu ku koobnaan doonto mucaawino keliya iyo inay bilaabmi doonto diblomaasiyad cusubi.

 

Xigasho: Geeska Afrika