Dawladda Shiinaha oo ka mamnuucday gobollada muslimiinta soomka bisha Ramadaan

Dawladda Shiinaha ayaa ka mamnuucday soomka bisha ramadaan dhammaan shaqaalaha dawladda, arday iyo macalimiinta muslimiinta ah ee degan gobolka Xinjiang, amarna ku bixisay in hudheelladu furnaad bisha Ramadaan.

Marka ay bilato bisha Ramadaan ayay muslimiinta Shiinuhu gutaan waajibaadka soomka inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan taas oo bilaabantay Khamiistii, laakiin xisbiga shuuciga talada haya ee diin-laawaha ah, ayaa sannado badan mamnuucayey soomka muslimiinta ee gobolka Xinjiang, gaar ahaa muslimiinta Uighur ee laga tirada badan yahay.

“Goobaha cuntooyinka ee goobaha shaqadu way shaqayn doonaa saacadaha shaqada inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan” sidaasna waxa lagu sheegay ogaysiis lagu daabacay websiteka waaxda cuntada iyo dawooyinka maamulka gobolka Xinjiang gaar ahaa xaafadda Jinghe.

Sannad kasta, maamulka gobolka Xinjiang ayaa isku daya inuu xayiraad saaro soomka muslimiinta Uighur, kalana kulma dhaleecayn badan oo uga timaada ururrada xuquuqal-insaanka.

Kooxaha xuquuqal insaanka ee muslimiinta Uighur ayaa sheegay in xayiraadda Shiinaha ee Islaamku ay ka abuurtay gobolka Xinjiang khilaafyo qabaa’il kuwaas sababay isku dhacyo ay ku dhinteen in ka badan boqolaal sannidihii tegay.

Dhinaca dawlada Shiinaha ayaa sheegtay inay ka jiraan gobolka Xinjiang cabsi argagaxiso, taaso masuuliyiinta ay ku eedaynayaan kooxaha xag-jiriinta khilaafaadka horta ka jira gobolkaas.

“ujeeddada Shiinaha ee mamnuuca soomka muslimiinta Uighur waa inay ka guuraan dhaqankooda islaamka inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan” sidaasna waxa yidhi Dilxat Rexit afhayeenka dalka eryey ee World Uyghur Congress.

Waxa kale oo intaa raaciyey “siyaasadaha in la mamnuuca soomka waa daan-daansi, horseedi doonana xasilooni darro iyo khilaafaad”.

Sidii sannadihii hore, carruurta dugsiyada lagu daray dardaaranka yaraynta soonka Ramadaan iyo dhaqamo kale oo xaga diinta ah.

Xafiiska waxbarashada magaalada Tarbaghatay ayaa bishan amar ku siiyey dugsiyada inayna soomin ardayda ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay inta lagu gudo jiro Ramadaan, iyo inayna gelin masaajidada iyo inayna ka qayb galin arrimaha wacyi-gelinta diimaha.