Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye Iyo Wasiirka Ciyaaraha oo furay Koobka Ramadaanta ee garoonka Xawaadle, agab ciyaareedna guddoonsiiyey ciyaartoyga

Guddoomiye-Xigeenka xisbi talada haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin ayaa Jimcihii si wada-jir ah furay tartanka koobka bisha Ramadaan ee garoonka kubadda cagta Xawaadle, agabna guddoonsiiyeen guddida qabanqaabada Koobka Bisha Ramadaan.

Waxa garoonka dhexdiisa lagu qabtay xaflad ay ka soo qaybgaleen dadweyne tiro badan oo daawada ciyaaraha, ciyaartowgii tartanku ka dhaxeeyey iyo guddida qabanqaabada.

Mukhtaar Cabdi Aadan, guddoomiyaha tartanka bisha Ramadaan ee garoonka Xawaadle wuxu ereyo kooban ka jeediyey munaasibaddii furitaanka isaga uga mahad-celiyeen Guddoomiye-Xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Ciyaaraha sida ay u soo qiimeeyeen xaafaddan 26-ka Juun.

Guddoomiye Mukhtaar wuxu sidoo kale xusay sida ay ugu faraxsan yihiin agabka ciyaaraha ee ay madaxdan ka socota Kulmiye iyo xukuumaddu ugu deeqeen ciyaartowga iyo garoonka Xawaadle.

Maxamed Xuseen Axmed “Dhabbeeye”, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, wuxu hoosta ka xariiqay in ay wasaarad ahaan mar walba taageerayaan tartammada kala duwan ee ciyaaraha iyo wax kasta oo dhiirigelin u ah da’yarta.

Ugu dambayntii waxa hadal ka jeediyey madasha Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska iyo Guddoomiye-Ku-Xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed. Waxa ay ka mahadceliyeen sida loo soo dhaweeyey waxayna sheegeen in xukuumaddani ay kor u qaaday ciyaarihii.

Madaxsda Kulmiye waxa ay tusaale u soo qaateen tartankii caalamiga ahaa ee ay Somaliland bishii ina dhaaftay kaga qayb-gashay UK.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo madax la socotay ayaa Arbacadii isla garoonkan, isla ciyaarahan, ka-qayb-galay munaasibad loogu magac-daray furitaankii ciyaaraha.

Waa ifafaale wanaagsan in madaxdii muxaafidka iyo mucaaridku ay tartan ugu jiraan sidii ay u raaligelin lahaayeen day’arta oo dhaqan ahaan aanay siyaasiyiintu muhiim u arki jirin beryihii hore.

bandhige@gmail.com