Dawladda Turkiga waxa uu xidhay Kurdiyiin tiro badan

Booliska Turkiga ayaa xidhay ilaa iyo 118 sarkaal oo ka tirsan xibiga (HDP) ee taageero dadka Kurdiyiinta Turkiga, kadib markii ay Dawlada ku eedeysay in xisbigani uu xidhiidh la leeyahay kooxda fallaagada PKK ee dagaalka kula jirto dawladda Turkiga.

Cutubyo ka tirsan ciidamada booliska oo ay kor ka caawinayeen helikobtarro ayaa sameeyey howlgalkan oo ka dhacay magaalooyin badan oo ay ku jiraan caasimada Ankara iyo magaalada ugu weyn wadanka ee Istanbul.

Dadka la xidhay ayaa waxaa ku jiro madaxdi xisbiga HDP.

Howlgalka ay ciidamada ku xidheen dadkani oo laga sameeyeey dhammaan gobollada dalka, ayaa ka danbeeyey kadib markii ay kooxda PKK sheegatay laba qarax oo mataana ahaa oo Axadii lala beegsaday garoonka kooxda kubada cagta Besiktas ee magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo 38 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 qof.

Saacado yar kadib marki ay PKK sheegatay weerarka ayey diyaaradaha milatariga Turkigu duqeeyeen fadhiisimo ay jabhadani ku leedahay waqooyiga dalka Ciraaq.

bandhige@gmail.com