Dawladda Zimbabwe waxay Wasiir u magacawday barta bulshadu kuwa xidhiidhto ee Whatsapp

 

Ogaysiis ay soo saartay xukuumadda ayaa qabsaday baraha bulshada isla markii uu madaxweyne Robert Mugabe sameeyey wasaarad mas’uul ka ah amniga internetka, wax ka ogaanshaha khataraha, iyo wax ka qabashadooda. Dadka reer Zimbabwe waxay warqadda magacaabidda kaga jawaabeen si jeesjees ah.

Laakinse wakhtigaas ka dib kaftankii wuu yaraaday, dadka reer Zimbabwena waxay iminka ka baaraan degayaan waxa ay wasaaradda cusub ula jeeddo xorriyaddooda rayid ahaan ay leeyihiin, gaar ahaan xorriyatul qowlka.

Khatar Qaran

Xukuumadda Zimbabwe lama dhacsanayn baraha bulshada, ka dib markii baadari la yidhaahdo Evan Mwararire uu horseed ka noqday dhaqdhaqaaq la magac baxay #ThisFlag sannadkii hore. Iyagoo isticmaalaya baraha Twitter iyo Facebook ayey abaabuleen mudaaharaad guri-joogid ah, kaasoo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee muddo 10 sanno ah dhaca.

Afhayeenka madaxweyne Mugabe, George Charamba, wuxuu sheegay in Mr Mugabe uu la yimid fikradda ah in la sameeyo wasaarad la tacaamusha “khataraha soo baxaya ee liddiga ku ah dalka”.

16-kii sanno ee u dambeeyey isticmaalka internetka ayaa sare u kacay min 0.3% ilaa 46%, xogtaas oo laga helay hay’adda isgaarsiinta caalamiga ah (ITU).

Dhowr maxaddad TV iyo wargaysyo internetka laga daalacdo oo qaarkood dalka dibaddiisa laga soo saaro ayaa internetka isticmaala si ay u baahiyaan warar aysan dawladdu aamusin karin.

Markii kaalimaha shidaalka uu shidaalkii ka dhammaaday bishii hore, ayaa waxa la arkay safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada waaweyn, iyadoo dadku ay cunno kaydsi billaabeen, cabsi laga qabo in cunnadu yaraato.

Walaacaas oo jira ayey xukuumaddu ku eedeysay farriimaha baraha bulshada inay cabsida sii badiyeen.

Wasiirka cusub ee amniga internetka, Mr Chimanasa, ayaa taas isna qaba oo leh “sababtu waa baraha bulshada”.

Fikradaha

Dadka qaar waxay leeyihiin mowqifka xukuumaddu wuxuu khatar ku yahay xorriyaddooda.

Mid ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda war isgaarsiinta oo la yiraahdo Media Institute for Southern Africa (Misa) xafiiskiisa Zimbabwe ayaa sheegay in sida gaarka ah ee iminka isha loogu hayo baraha bulshada ay ka soo horjeeddo dastuurka iyo xorriyatul qowlka.

“Khatarahan nasiib darrada ah waxay dhaliyeen in shakhsiyaad ay faafreeb ku sameeyaan mowduucyada qaarkood ee saamaynaya dalka” ayaa lagu sheegay hadal qoraal ah.

Waxaa kale oo la dhaliilay faafreebka lagu sameeyo warbaahinta Zimbabwe.

Dhaqdhaqaaqa mucaaridka Zmbabwe ee MDC ayaa isagu talaabo intaa dhaafsiisan ku sheegay in wasaaradda cusub ee dawladdu samaysay uu micnaheedu yahay in xukuumaddu ay basaasayso dadkeeda.

Hoggaamiyaha xisbiga, Morgan Tsvangirai, ayaa rumaysan in wasaaradda loo abuuray inay cabburiso xorriyadda hadalka, ayadoo la isu diyaarinayo doorashada 2018.

Dadka qaar waxay qabaan in jeesjeeska uu muujinayo in aan faham laga qabin khatarta dunida ka haysata dambiyada lagu galo Internetka.

Qaar kale ayaa waxaa u muuqda in ay isku xiran yihiin isha ay xukuumaddu ku hayso dhaqdhaqaaqa Internetka iyo doorashooyinka soo socda

Horeba Zimbabwe waxa uga jiray dhowr sharci oo kooxaha xuquuqaha u dooda ay sheeggayeen in ay wax cabbudhinayaan.

Qareen xuquuqda aadanaha u dooda oo reer Zimbabwe ah ayaa sheegaya in tan iyo 2010 uu caawiyey in ka badan 100 qof oo loo xidhay in ay ku xadgubeen sharci lagu mutaysan karo ciqaab xadhig ah kaasoo ah “aflagaaddo madaxweyne” iyo “is-hortaag awoodiisa”.

Dad caadi ah ayaa la xidhay, ka dib markii ay hoggaamiyaha 93 jirka ah ugu yeedheen “dameer”, ayna ku eedeeyeen in uu dalka burburinayo.

Xadhig dheeraad ah miyaa soo socda?

Dunida waxaa ka jira dalal leh waaxyo qaabilsan dambiyada internetka lagu galo, laakinse Zimbabwe waa dalkii ugu horreeyey ee wasaarad dhan u sameeya.

Sidaas oo ay tahay, baraha bulshada waxaa dhex wareegaya digniino khatar xambaarsan.

Mid ka mid ah waxay ka timid “Mr Chaipa” oo weydiisanaya dadka reer Zimbabwe in kaliya ay baraha bulshada ku wadaagaan macluumaad ay maxkamadda dhexdeeda ka difaaci karaan haddii lagu qabsado.

Mr Chaipa wuxuu sheegay in xukuumadda ay u sahlan tahay in ay isha ku hayso farriimaha la isu diro.

bandhige@gmiall.com