Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL oo saaka fadhi aan caadi ahayn iskugu yimid si ay u ansixiyaan xubnaha koomishanka cusub.
Waxaa aad loo adkeeyey ammaanka golaha, iyada oo ciidamo aan badnayn oo dheeraad ahi ay sugayaan nabadgeliyada, gaar ahaan afaafka hore.
Xildhibaanadu waxay goor dhawayd codka kalsoonida u qaadeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo ka koobnaa 6 xubnoodย ayuu Goluhu hadda mid mid u ansixiyey waxaanay ku ansaxeen in ka badan 55 Xildhibaan midkiiba.
Waxaa xusid mudan in bishii u dambaysay ay jirtay khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay madaxwaynaha somaliland iyo xisbiyada mucaaridka kaas oo salka ku hayay laba xubnood oo madaxwaynu usoo xulay xubnaha koomishanka doorashooyinka.
waxaa iyana xusid mudan in labadii xubnood ee xisbiyada mucaaradku diidanayaan Cabdirashiid Riyo-raac iyo Kaltuun Xasan ay goluhu ansixiyeen.
Hoos ka eeg sida xubnaha koomishanka loogu kala cooday: