Dhakhtarka gaarka ah Madaxweyne Donald Trump ayaa shaaciyey in Trump isticmaalo dawada bidaarta ka hor tagta oo leh cillado caafimaad

 

Dhakhtarka gaarka ah ee Donald Trump Dr. Harold N. Bornstein ayaa u warramay jariiradda codka dheer ee New York Times, waxaanu u sheegay sir muddo qarsoonayd oo ah in Madaxweyne Donald Trump uu isticmaalo dawada ka hor tagta bidaarta ee la yidhaa Propecia. Dawada Propecia ayaa sidoo kale loo isticmaalaa dawaynta qanjidhka kaadi-mareenka ee barara ragga da’doodu korodho ee loo yaqaan “prostate.”

Sida uu caawa baahiyey telefishanka CNN, in kastoo ay dawadani faa’iido u tahay quruxda timaha, dhanka kale waxay leedahay cillado ay ka mid yihiin hamada oo ragga ku yaraata amaba ka guurta, khalkhal ku yimaadda xaddiga manida haddiiba qofku hamo yeesho, sanboor ama”fiif” joogto ah iyo sidoo kale dhidid calaacaha gacmaha iyo lugaha ah.

Sidoo kale, Dr. Harold N. Bornstein wuxu sheegay in Donald Trump uu qaato kiniinka asprin-ka la yidhaa oo dhiigga fududeeya kana hor-taga faaligga iyo wadne-istaagga iyo waliba dawooyinka kale oo ay isticmaalaan dadka dhiiggoodu subagga yeesho, subagaas oo dhibaato u gaysan kara wadnaha.

Sarkaal goor dhawayd u hadlay Aqalka Cad ayaa tibaaxay in uu gefay Dr. Harold Bornstein oo aan loo oggolayn in uu warbaahinta u soo bandhigo dawooyinka uu qaato Donald Trump ayna tahay sir shakhsi ah oo madaxweynuhu xaq u leeyahay in loo ilaaliyo.

Haseyeeshee Dr. Bornstein ayaa sheegay in dhawr jeer isaga iyo madaxweynuhu ay ka doodeen in aanay habboonayn in xukuumadda iyo dadweynaha Maraykanka laga qariyo dawooyinkan, isla markaana ay muhiim tahay in xaaladda xaafimaad ee Madaxweynaha ay dadweynuhu la socdaan, hase yeeshee Madaxweyne Trump arrinkaas wuu ku diiday dhakhtarka, taasina waxay keentay in dhakhtarku sirtan warbaahinta u soo bandhigo.

La-yaab ayay dadweynaha Maraykanka ku noqotay sirtan cusub ee uu Dr. Bornstein daboolka ka qaaday. Sababtoo ah sida ku cad warbixin ay qortay jariiradda Washing Post 26 August 2016 oo ahayd wakhtigii uu Donald Trump murashaxa ahaa, Dr. Bornstein wuxu soo saaray warbixin uu leeyahay Trump wuxu noqon doonaa madaxweynihii ugu caafimaadka badnaa ee soo mara Maraykanka haddii la doorto Dr. Bornestein wuxu yidhi in kastoo uu Trump yahay 70 jir, haddana ma laha dhiig-kar, wadne-xanuun, waligiina sigaa iyo khamri muu cabin. Waxa la is weydiinayaa sababta uu dhakhtarku markii hore u sheegi waayey ee uu hadda oo bukaankiisii uu madaxweyne noqday u shaaciyey.

Muddo dheer ayaa shaki laga qabay timaha Madaxweyne Donald Trump iyadoo xataa ay weriyeyaasha qaarkood gacmaha ula tageen si ay  u hubiyaan in ay artafishal yihiin iyo in kale, laakiin marnaba lama ogayn in uu daawadan kaga hor tagay bidaarta.

Trump oo looga bartay in uu cid kasta oo wax ka sheegta u soo jawaabo, waxa la dhawrayaa tallaabada uu dhakhtarkan ka qaadi doono.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ahe Wararka.

Bandhige@gmail.com