Madaxweyne Trump wuxu joojiyey weerar Obama qorsheeyey oo lagu qaadi lahaa caasimadda ISIS ee Raqa

 

Madaxweynaha Maraykanka ayaa xalay go’aan lama filaan ah ku joojiyey weerar ay huwanta uu Maraykanku hoggaamiyaan ku qaadi lahaayeen caasimadda ISIS ee Raqa ee ku taalla dhulka Suuriya ee dagaallada wejiyada badani ka socdaan.

Dagaalkan ayaa huwantu ugu talo galshanaayeen in ay ururka mintidka ah ee ISIS kaga saaraan magaalada ugu dambaysa ee ay maamulaan kadib markii dagaallo kan la nooc ah ay kaga saareen magaalooyinka Mosul iyo Kobane oo ay kooxani ku xoogganaayeen.

Go’aanka ujeeddada ka dambaysa Donald Trump maamulkiisu wax tafaasiil ah kama uu bixin, waxase loo malaynayaa in ay ka mid tahay go’aannadii uu maalmihii ugu dambeeyey maamulkani ku tallaabsanayey oo ahaa wax kasta oo uu Obama qabtay ama qaban lahaa in laga hor yimaad, wanaag iyo xumaan ka ay doonaan ha ahaadaane.

Warkani wuxu ka farxin doonaa kooxda ISIS waxaana la aaminsan yahay in uu sii dheerayn doono cimrigooda jiritaanka.

Bandhige@gmail.com