Dhallinyaradda gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE ayaa taageero ballaadhan u muujiyey ciidamada JSL.

Munaasibad ballaadhan oo ay Dhallinyaradda gobolka Maroodijeex ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ku qabteen Hoolka Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee caasimadda Hargeysa ayay ku sheegeen in ay cod iyo cududba ku garab taagan yihiin Ciidamada Qaranka Somaliland.

Munaasibadan waxa hadalo kala duwan ka jeediyey qaar kamid ah Dhallinyaradda xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodijeex oo ka kala socday degmooyinka kala duwan ee gobolka iyo xaafaddaha magaaladda Hargeysa, waxaanay tilmaameen in Ciidamada Qaranku yihiin kuwa ay shacabka Somaliland hadhsadaan, isla markaana ay ku hurdaan, waxaanay usoo jeediyeen bulshaweynta Jamhuuriyadda Somaliland in ay garab istaagaan ciidamada.

Qaybo kamid ah Dhallinyaraddii goobta ka hadashay ayaa sheegay in maanta lagu soo duulay nabadgelyadda Somaliland, isla markaana haddii loo baahdo ay diyaar u yihiin in ay jiidaha hore tagaan,qaybna ka noqdaan difaaca qaranka.