Dhibaatada Iska Dhaadhicinta Madaxdu Leedahay. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Wargayska Journel Applied psychololgy ayaa soo bandhigay daraasad ay samaysay jaamacadda Oregon ee dalka Maraykanku. Daraasadu waxa ay gebagebadii muujisay natiijada xun ee ay leedahay shaqaalaha iska dhaadhiciya madaxda. Taasi oo keenta inay shaqadu xumaato. Waxa caddaatay in dadka mar kasta ku mashquulsan iska-dhaadhicinta iyo raalligelinta madaxdoodu ay aqoontu iyo kalsoonidu ku yar tahay.

Taasina ay dhaxalsiisay inay tamar ku bixiyaan is-jeclaysiinta madaxda. Qofku markuu isu arko inuu dhanka madaxda ka dhisan yahay, wuxuu mushkilada ku abuuraa shaqaalaha ka hooseeya, oo khilaafkooda ayaa bata. Shaqaalahana aaminaada ayaa ka lunta, oo waxa ay mar kasta ka fikraan in madaxda lagu diraayo.