Maayir Mooge Siduu Sawirka Ugu Ordo Meydka Uguma Ordo. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Falkii foosha xumaa ee ay ku kaceen shaqaalaha dawladda hoose ee Hargaysa, wuxuu Maayirku ka jawaabay 24 saacadood ka dib markii falku dhacay ee xeedho iyo fandhaal kala dhaceen. Malahayga kamuu jawaabeen ee waxa culayska keenay arrimahan hoose: 1. Markii uu Xildhibaan Siikaawi oo degmada shilku ka dhacay masuul ka ahaa uu ku eedeeyey inuu kuwuu falka geystay sii daayey.

  1. Markii dadkii xaafadda deganaa ay isu soo baxaan oo ay ka dhiidhiyeen falka foosha xun ee Faqashnimada ah. 3. Iyo warbaahinta xooggan ee baraha bulshada oo dad aan cadad iyo xisaab lahayni ay eedda saareen masuuliyadda Maayirka.

= Haddii dhacdadu ay ahaan lahayd mid sawir iyo faan wadata, siduu ugu soo ordaayo ayuu markiiba gaadhi lahaa. Sida looga bartay dhaqankiisa. Is-mahadin ka soo bilaabmatay 26 kun ee cod ee uu ku soo baxay ayaa geysay meel u dhaxaysa cirka iyo dhulka.