Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay waddanka Chile

Dhulgariir xoog leh oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 heerka cabirka dhulgarriiradda ayaa ka dhacay Koonfurta dalka Chile, waxaa la soo saaray digniin ku aadan suurtagalnimada in ay dhacaan Tsunami.

Dhulgariirka ayaa ruxay 225km koonfurta galbeed ee magaalada Puerto Montt saacadu markii ay ahayd 14:22 GMT, sida ay sheegtay hay’adda Maraykanka ee la socodka dhulgariirradda, waxaana dhulgariirku uu ka dhacay badda gunteeda 15km, mana jirto wax khasaare ah oo ilaa iyo hadda la soo wariyey.

Xafiiska arimaha deg deg ah ee qaranka Chile wuxuu soo saaray digniin isagoo amray in laga qaxo dhulka xeebta ku teedsan ee gobolka Los Lagos. Waxaanay u dhignayd digniintu sida tan:

“Xaaladda badbaad ahaan, waxaan amarnay in laga baxo dhulka xeebaha ee Biobio, Araucania, Los Rios, Aysen”

Xarunta digniinta badgariiradda [Tsunami] ee Pacific-ga ayaa sheegtay in mowjado qatar oo gaaraya ilaa 3m in ka sareysa dhulka ay yihiin kuwa suurtagal ka noqon kara xeebaha ilaa 1000km taasi oo ka dhalanaysa dhulgariirka xooggiisa.

Dadka degan magaalada Quellon, oo u dhaw halka dhulgariirku ruxay ayaa ka mid ah kuwa hadda u baxsanaya dhul ay ku badbaadaan, sida ay sheegtay saxaafadda gudaha. Qof ka carayey dhul-gariirka ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaan ku noolaa muddo 10 sanno Koonfurta mana dareemin wax tan la mid ah.”

Madaxeynaha Chile Michelle Bachelet ayaa fariin Twitter waxay ku tidhi:

“Xoog badan iyo dhiirigelin ku wajahan muwaadiniita uu saameeyey dhulgariika Chile iyo meelaha kale eek a mid ah Koonfurta waxaa mar horeba la qaaday talaabooyin deg deg ah.”

bandhige@gmail.com