Dib-u-dhac kooban oo mar kale ku yimid Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga Waddani

Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani waxa ku yimid dib-u-dhac kooban oo 9 maalmood ah. Halkii uu ka qabsoomi lahaa 10-ka October wuxu qabsoomi doonaa 19-ka October. Sidaa waxa lagu sheegay shir-saxaafadeed masuuliyiin Xisbiga Waddani ka tirsani ay goor dhawayd ku qabteen Hargysa.

Dib-u-dhacan oo ah kii 2aad ee ku yimaadda xisbiga ayaa lagu sababeeyey xisbiga oo sii ballaadhanaya oo ay ku soo biirayaan taageeroyaal hor lihi, taasina ay keentay i xaflado is-daba joog ah toddobaadkan loo qabto.

Toddobaadkii ina dhaafay ayaa masuuliyiin door ah oo ka tirsan Isbahaysigii Dimuqraadiyad-doonka Kulmiye ay ku biireen Waddani iyadoo la shaaciyey in xaflad soo dhawayn ah loo qaban doono Axadda berito.

Waxa sidoo kale la filayaa in toddobaadkan ay siyaasiyiin kale oo caan ahi Waddani ku biiraan oo iyagana xaflado loo qabto.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan dib-u-dhigista shirka Waddani;

BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com