Donald Trump waxa uu raali gelin ka bixiyey hadal uu aflagaadeeyey dumarka muddo laga joogo 11 sanno

Musharraxa madaxtinimada ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa raalligelin wakhtigeedu dhacay ka bixiyay hadal anshax xumo ah oo uu ka sheegay dumarka, kadib markii ay soo baxday cajalad muuqaal ah oo la duubay 11 sanno ka hor.

Muqaalkaasi ayaa laga dhex maqlayay Trump oo ku faanaya raadinta iyo isku dayga in uu la galmooda dumarka, waxa uuna intaa ku daray in qofka caanka ah uu wax kastaa samayn karo.

Siyaasiin caan ah oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga ayaa hadalkaasi aad u cambaareeyay, waxaana siyaasiintaasi ka mid ah afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan, oo hadalkaasi ku tilmaamay mid laga cadhoodo.

Tifaaftiraha BBC-da ee woqooyiga Ameerika ayaa sheegaya in arrintan ay jahawareer ku tahay musharaxnimada Trump. Haddaba Donald Trump oo raalligelin bixinayay hadalkaasi ayaa ballan qaaday in uu noqon doono nin wanaagsan, balse waxa uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton oo ah seyga Hillary Clinton oo uu hadda loolan kala dhexeeyo in uu aflagaadeeyay dumarka iyo in Hillary ay ceebeysay haweenkii uu dhibaateeyay ninkeedu.

Xigasho BBC Soomaali.

bandhige@gmail.com