Digniin laga soo Saaray Roobab Waaweyn oo la Saadaalinayo in ay Somaliland ka Da’aan

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada Somaliland u dirtay digniin ku saabsan roobab waawayn oo la filayo inay ka da’aan gobolada Somaliland qaar ka mid ah.

Warbixin uu soo saaray Xafiiska Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa lagaga digay roobab waaweyn oo ka da’aya gobollada Somaliland qaar ka mid ah.

Warbixinta waaxda saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeruhu soo saartay oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa lagu yidhi sidan:-

“Warbixin diginiin ah, saadaasha roobabka la filayo Caawa xiliyada dambe in ay ka da’i doonaan roobab aad u waa weyn oo meelahaa qaar la filayo in ay wataan dabaylo, gaar ahaan gobollada Galbeedka sida Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, iyadoo ay roobabkaasi u badnaan doonaan dhanka xeebaha galbeedka oo xaddi ahaan lagu qiyaasey 80MM ilaa 100mm, iyadoo la filayo inay ka dhalan karaan fataahado”.

Fiiro Gaar ah :- Dadwaynaha ku nool goobaha aanu soo xusnay waxaa la farayaa in ay ka feejignaadan ama ka dheeraadaan meelaha biyo- mareenada ah iyo dooxiyanka ah..”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com