Donald Trum waxa uu hakiyey qaraar ay soo saartay Qaramada Midoobay oo dhan ka ah Israa’iil

Waxaa hadda cadaatay in Donald Trump uu farageliyay qaraar ay Qaramada Midobay ka soo saari lahayd deegaameynta Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Ujeedada qaraarka ayaa ah in la cambaareeyo sida Israa’iil ay usii wado guryaha ay ka dhiseyso dhulka ay ka haysato Falastiin.

Balse hadda waxaa iska muuqata in Donald Trump uu farageliyay si dib loogu dhigo codeynta oo Khamiistii shalay dhici lahayd.

Sidoo kale Masar oo markii hore codsatay qaraarkaa ayaa haddana dalbatay in dib loogu dhigo.

Saraakiisha dalka Masar waxay sheegayaan in madaxweyne Cabdifitax Al-sisi iyo Trump oo telefoon kuwada hadlay isla meel dhigeen dib u dhigista qaraarla.

bandhige@gmail.com