Faysal Cali Waraabe waxa uu sharaxay sababta isaga iyo Amb Cawil loogu daray Guddida wada-hadalada Khaatumo

Eng. Faysal uu u warramay weriye Cabdi-salaan Hereri oo katirsan Telefishanka Universal, ayaa meesha ka saaray sheegashada kooxda Khaatumo ee ay ku doodaan in ay wada-hadalkaas xaadireen iyaga oo maamul-goboleed Soomaaliya ka tirsan ah, waxaana uu xusay in madasha la tegay iyada oo la yahay sidii hal qoys oo kale, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Laba dal ma jiraane hal dal baa jira oo adduunka oo dhammi yaqaanno, walaaladayna wixii ay doonaan ha sheegteene waa qoys is haya arrintani, maamulo Ishayaana ma jiraan waa hal qoys arrintu magacii la doonaba halla isugu yeedhee, annagu magacii aanu doono aanu sidano iyaguna ha sitaane haatan waanu is fahamnay oo wixii nuxurka lahaa baanu ka hadlaynaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata uu guddoomiye Faysal shaaca ka qaaday in guddi qaban-qaabo ay labada dhinac u magacaabi doonaan wejiga labaad ee wada-hadalladooda oo bisha dambe ee sannadka cusub mar labaad la iskugu soo noqon doono, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Guddi ayaanu toban cisho gudaheed ku samaynaynaa shirkaas kasoo wada shaqaysa sida uu dhici doono, iyagaanu ka war sugaynaa  waxa ay soo gudbiyaan.”

Waxa uu ka hadlay goobta ay ka dhici doonaan wejiga labaad ee wada-hadalladu, waxana uu hoosta ka xarriiqay in uu isagu jeclaa in ay magaalada Buuhoodle ka dhacaan, waxaana uu yidhi:

Wada-hadallada dambe laba meelood oo Addis Ababa iyo Imaaraadka midkood ah baanu jecelahay in ay ka dhacaan, waanu jeclayn inuu guddaha ka dhaco, weliba anigu waan jeclaa in aanu Buuhoodle ku qabanno, laakiin qolada Khaatumo ayaa jeclaatay tan, annaguna waanu ku ixtiraamnay.”

Faysal waxa uu farta ku fiiqay in heshiiska labada dhinac gaadheen soo afjarayo xurgufihii labada dhinac dhex yaallay, waxana uu intaas ku daray in uu isagu bilaabay wada-hadallada oo uu dedaal gaar ah geliyey, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Heshiiskani waxa uu soo afjarayaa wax alla iyo wixii khlaaf taagnaa, anigaana arrintan ka shaqeeyey oo xataa dawladdu may xiisaynayn, meeshana looma eegayn xisbi iyo xisbi la’aane waxa loo eegay shakhsiyaad iyo yaa wax ka tari kara wada-hadallada, waxana ku jira Cawil oo aan xisbina ahayn.”

Isaga oo si gaar ah sharraxaad uga bixinaya sababta isaga oo mucaarid ah wada-hadallada loogu daray, isla-markaana uu u fadhiistay madal uu ka maqan yahay xisbigii kale ee mucaaridka ahaa, ayaa waxa uu yidhi:

“Madaxweynuhu 27 la-taliyayaal buu leeyahay, anigana wada-hadallada xisbi ahaan la iiguma soo darin, Cawil-na la-taliye ahaan looma keenine yaa arrintan wax ka qaban karaya oo khibradeeda leh oo waxan fahmi karaya, ayaa wada-hadallada la iigu soo daray.”

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com