Donald Trump waxa uu sheegay in loo baahan in Maraykanku balaadhiyo hubkiisa nukliyeerka

Donald Trump ayaa ku baaqay in Maraykanku uu xoojin iyo balaadhin ku sameeyo awooda hubkiisa nukliyeerka.

Madaxweynaha la doortay, oo xafiiska la wareegi doona bisga danbe, ayaa sheegay Maraykanku uu qaado tallaabo ilaa adduunka uu la yimaado wax macquul ah oo ku saabsan nukliyeerka.

Wuxuu hadlay saacado kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu sheegay Ruushka in uu u baahan yahay in uu kordhiyo hubkiisa nukliyeerka.

Maraykanka ayaa leh 7,100 oo hub nukliyeer ah, Ruushkana waxay leedahay 7,300, sida ay sheegtay ururka ilaalinta hubka (Arms Control Association).

bandhige@gmail.com