Kuwii ka riwaayadsanayey markii uu Donald Trump ku dhawaaqay in uu murashax yahay, ee u arkayey nin doonaya in magaciisa uun laga barto laakiin aan u socon in uu Madaxweyne noqdo, ayaa maanta wadnaha farta ku haya!
Xisbiga Jamhuuriga intiisa ugu awoodda iyo saamaynta badani ma oggola in ay arkaan Donald Trump oo noqda murashaxa u tartamaya doorashada Maraykanka ee la filayo in ay qabsoonto 1-da November 2016. Taas ka soo-hor-jeedkeeda, waxay bilaabeen dagaal ba’an oo ay rabaan in ay kula daadegaan Trump.
Danald Trump faankiisii badnaa, aflegaadadii uu u gaystay Muslimiinta, Migsikaanka, haweenka iyo naafada ee uu diiday in uu raaligelin ka bixiyo iyo qaabka aan cidna u joojin ee uu u dhaqmo ayaa keenay in madaxda iyo mus-dambeedka xisbiga Jamhuurigu u qaataan in aanu Donald Trump meel fog gaadhi doonin oo uu wakhti gaaban gudihii afka u dhici doono. Laakiin way ku khaldanaayeen.
Wuxu ku guulaystay saddex gobol oo is xiga, taas oo tirada ergooyinka ee uu ilaa hadda haysto ka dhigtay 79 halka ay labada nin ee ku soo xigaa, Cruz iyo Rubio, kala haystaan 15 iyo 14 ergay. In kastoo aanay tartanka weli fari ka qodnayn oo loo baahan yahay murashaxa guulaysanayaa in uu ugu yaraan helo 1237 ergay, haddana saadaashu waxay muujinaysaa in uu Trump hoggaanka sii hayn doono, gobollada tartankoodu hadhayna sahanka lagu sameeyey waxay muujinayaan in uu isagu calanka u sido, taas oo ay ka argagaxsan yihiin door-rooneyaasha Jamhuurigu.
Donald Trump wuxu ka faa’iidaystay dadka Maraykanka oo ka daalay nin siyaasi ah oo si diblomaasiyadaysan ula hadla, ballan-qaadyo aan fulayna dadka u qaada, marka ay xukunka ku guulaystaana dadka ilaawa oo qabta wixii xisbigoodadan u ah oo kali ah. Isagu wuxu isku dhigay nin xaruuri ah oo aan diblomaasiyad iyo been shaqo ku lahayn, wixii uu aaminsan yahayna sheega haddii ay dacar ka qadhaadhahay, taas oo uu taageero aan la filayn ku kasbaday.
Waxa la isku dayayaa in Ted Cruz laga reebo tartanka si uu Marco Rubio u noqdo ninka caabinaya Donald Trump, laakiin Cruz uma muuqdo in uu beryahaas ka hadhayo tartanka, ugu yaraan ilaa iyo inta uu gobolkiisa Texas codaynayo. Taasina waxay niyad-jab ku tahay kuwa ka soo horjeeda Donald Trump.
Hadda su’aashu ma taagna Trump miyuu ku guulaysan doonaa is-reeb-reebka Jamhuuriga, hase ahaatee su’aasha la is weydiinayaa waxay tahay haddii uu noqdo murashaxa madaxweynaha Maraynka doorashada ma ku guulaysan doonaa?
Maraykanka oo kali ahi ma werwersana. Dad badan oo dunida ka mid ah ayaa ka walaacsan sida ay dunidu u ekaan doonto haddii uu madaxweyne noqdo Donald Trump oo looga bartay degdeg, indho-adayg iyo ficillo waalli u muuqda. Bal aan eegno ilaa badhtamaha March oo laga yaabo in ay wax kala caddaadaan.
Il-wareed: Aljazeera
Bandhige@gmail.com