Wefti Imaaraadka Carabta oo dalka u yimid qiimaynta abaaraha dalka ka jira

Subaxnimadii hore ee saaka waxa garoonka Diyaaradaha ee Cigaal ayaa waxa ka soo degay wefti ka socda Imaaraadka Carabka. Weftigan ayaa waxa ku soo dhoweeyey madaarka Ambassador Baashe Cawil Cumar oo ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka imaaraadka Carabta.

Mudadii uu safiirku hayey xilka Safiirnimo ee imaaraadka carabta waxa uu si weyn uga dhex muuqday waxqabadka kala duwan ee dalka ay ka wado dawlada imaaraadka carabtu, isaga oo Safiirku noqday safiirka keliya ee sida weyn uga qaybqaatay Arrimaha Abaaraha ee dalka ka jira oo tiraba laba jiir hada dalka ku habsatay, taas oo sababtay in dawladda Imaaraadku gurmad balaadhan ka geysato xaalada nololeed ee dad iyo duunyoba saamaysay.

Ambassador Baashe Cawil Cumar oo halkaa ka hadlay ayay hadaladiisa ka mid ahaayeen:

 “Waxa runtii farxad weyn maanta inoo ah in aynu halkan kusoo dhawayno Wefti ka socda dalka Imaaraadka Carabta, sidaynu la wada soconaba waxaa in muddo ahba dalka  ka jiray abaaro saameeyey dad iyo xoolaba abaarahaasi oo runtii dhibaato fara badan u geystay shacabka iyo dadkii xoola dhaqatada ahaa, waxaanu Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” u xilsaaray guddi uu ka madax yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” guddidaasi oo loo xil saaray inay soo deristo wax ka qabato sidii wax loogu qaban lahaa dadkaa.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaynu la soconaa ayaamahanba ay socdeen gurmadkii abaaruhu dalka dibeddiisa iyo guddihiisaba hawlahaasi ka socdeen gurmadkaa loo fidinaayey abaaraha ayaa Madaxweynuhu safiirada iyo dhamaan dalalka aynu cilaaqaadka leenahayna u gudbiyey in lasoo gaadho dadkaa dhibaatadu gaadhay waxaana maanta farxad weyn ii ah in markale Dawladda Imaaraadku noqoto Dawladdii ugu horaysay ee kasoo jawaabta dalabkaa Madaxweynaha u fidiyey.”

Gabagabadii waxa uu faahfaahin ka bxiyey qaybahha aya ka kooban yihiin weftigan ka socda Imaraadka Carabta, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaana maanta halkan socda Hay’addii Al-Khaliifa Foundation oo ah Hay’add aan inagu cusbayn ragga maanta laynoo soo dirayna ay yihiin ragg yimi sanadkii dhawaa markii abaaruhu ina saameeyeen Insha Allaahu tacaalaa mudadaa ay joogaan waxay muhiimada saari doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinkaa iyo dadka abaaruhu saameeyeen, Waxaan jeclahay inaan halkan uga mahad celiyo Dawladda Imaaraadka oo iyadu marwalba u dhego nugul baahiyaha ay dalka iyo dadka reer Somaliland leeyihiin muujisayna inay yihiin saaxiib dhaba oo garab istaaga markasta oo ay Somaliland u baahato.”

Weftigan ayaa waxay indho-indhoyn ku tegi doonaan deegaanada abaaruhu saameeyeen, sidoo kalena waxay la kulmi doonaan Guddiga Abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.

bandhige@gmail.com