Kulammadii Muuse Biixi iyo reer Awdal
Muuse Biixi waxaa hoggaanka iyo hab-maamuuska u qaabilsanaa niman dhallinyaro ah oo aqoonyahano u badan qaarkoodna waan is garanaynay. Aad waxa ay ugu dedaaleen magaca askarinimo iyo jabhadnimo ee odayga suuqa u galay in la baabiโyo. Ilaa inta ay ku guulaysteen in ay arrinkaas hoos u dhigaan anigu hadda ma cabiri karo waase la isku dayayey waxaana gudoomiyaha ka muuqday waayo aragnimo buuxda oo dhinaca siyaasada iyo dhaqankaba ah.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย Waxaa uu la kulmay beelaha waaweyn badankooda si cadna waa loo wada hadlay waxba la iskulama hadhin. Kulammada badankood ma joogine waxaase igu maqaale ah in beelaha qaar u sheegeen in ay musharax iyaguba leeyihiinย oo ay rabaan kooda in ay u codeeyaan. Kiina haddii aad waydaan nimanyahow iga war haya iyo waa yahay, kuwa kalena waxa ay ku yidhaahdeen adigaanu kuu codayneynaa.
Guud ahaan kulammada ka dhacay Boorama waxa ay ku biyo-shubanayeen in si laab-xaadhan la isku xog waraystey wixii la rabo ha lagu heshiiyee.
Kulamada aan is leeyahay way qiimo badnaayeen ee kulmiyey Muuse Biixi iyo dad kale waxa uu ahaa kulan ay koox aqoon yahano ah xilli galaba ay Hutel Rays jilbaha isku aasteen isaga iyo kooxdaas aqoonta is bidday. Raggani Muuse ugu horaynba waxa ay ku salaameen in aanay beel gaar ah ka socon, codna u wadin kaliya ay rabaan uun in ay musharaxan la sheekaystaan isla markaana qod qodaan, waa uu soo dhaweeyey waxaanu u sheegay in ay xor u yihiin wax walba in ay ka wada sheekaystaan.
Inta badan kulanku waxa uu ahaa suโaalo ka imanaayey aqoon yahanada xagooda Muusena waa ugu jawaabaayey. Hadalka la is dhaafsaday wuu badnaa haddiise aan qaar ka xuso waxaa kaย mid ah in nin waydiiyey Muuse in uu yahay jabhad googoโay side waddankan muddada badan la soo dhisaayey loogu aamini karaa ninkaas oo kale? Haddiise lagu dooran waayo bahasha ma hanaynaysaa oo waa la iga guulaystey ma odhan kari?
Waxa uu ku jawaabay in Muuse aanu ahayn kii hore oo uu hada yahay Awliyo Ilaahay, intaa waxa uu ku daray in aanu waddamo kale degayn hoygiisuna yahay Somaliland cid maanta ugu lexejeclo badanina aanay jirin haddii laga helana uu hambalyeynayo cida ku guulaysta.
Waxaa kale oo suโaalaha ka mid ahaa raggii ay isku qabteen xisbiga shirkiisii 5aad ee waliba awoodda badan lahaa in ay wali xidhiidh leeyihiin oo tintii Mucaawiye ka dhaxayso iyo in ay sidaa ku kala faataxaysteen? Waxaanu yidhi: ragga qaar waxaa noo hadhay kaliya in aan ku dhawaaqno in aan wada shaqeyneyno oo waxba nama dhax yaalaan kuwa ay wali wax ku yara hadhan yihiina dhawaan baan dhammeyn doonaa.
Waxaa kale oo aan is leeyahay suโaalaha muhiimka ah waxaa ka mid ahaa sida uu shirarka beelaha iyo kuwa aqoonyahadana in uu la tashado isku waafajinayo waxaanu ku jawaabay mudane Muuse : hangoolka iyo gantadiisa waan isku keeni kari laโnahay bal idinkuba isku kaaya qabadsiiya waxaanu nimanka aqoonyahanka ah ku duray in ay siyaasadda ka fogaadaan oo ay wax nijaas ah u arkaan. Waxaanu kula dardaarmay in ay soo galaan oo wax la qabtaan sidii maamulka iyo beelnimada loo kala saari lahaana laga helo taageero buuxda. Markaa Muuse laga eego jawiga guud waxaa muuqatay nin markan u soo xaytey in uu noqdo madaxweynaha soo socda ee Soomaliland qof kastana waxa uu isku dayaayey in uu kula hadlo luuqada uu fahmaayo.
Waxaa kale oo uu si weyn u ammaanay oo sheekadiisu gashay marmar madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin waxaanu sheegay saddex goโaan oo uu qaatey aanu sarkaal kasta oo milatari aanu waligii qaateen.
Waxaanu saddexdaas goโaan ku sheegay in ay kala ahaayeen: markii uu xukunka dalka la wareegay ee uu geeriyooday Cigaal dhawr bilood ka dib waxaa gaadhay in la qabto doorashadii madaxtinimada ee ugu horaysay xubnihii xisbigii UDUB iyo saaxiibadiiba waxa ay u soo jeediyeen in uu doorshada dib isaga riixo (dhigo) laakiin waxa uu qaatey goโaan aanan waligay qaateen ayuu yidhi kaasi oo ah Somaliland doorasho ayey ku meel mari ee korodhsiimo meel kuma gaadhayso.
Goโaanka labaad waxa uu ahaa markii doorshada 2010-kii uu xisbiga Kulmiye ku guulaystey waxaa sidoo kale xubnihii UDUB, golihii xukuumaddiisa iyo qaraaboba u soo jeediyeen in aanu yeelin in laga guulaystey waxaanay noqotey kaligii iyo intee kale oo dhan waxaanu yidhi Riyaale: nimankaasi doorashdii hore dhawr iyo sideetan cod ayaan kaga helnay waanay aqbaleen tan haddana dhawr boqol oo kun oo cod baa la sheegayaa waanan aqbalyaa. Kaasina waxa uu ahaa goโaan ragganimo dheeri ahi ku jirto, kan u danbeeya ee iskay hambo raaciyey waxa uu ahaa buu yidhi: khudabdii uu maalintii xil wareejinta jeediyey ee uu yidhi dad iyo dal is haysta ayaan idinku wareejiyey,Waxaanu ku soo gabogabyeeye Muuse maanta Rayaale dastuur ahaan ayaanu isku soo sharaxi karin waxaanse ka dhigan lahaa guddoomiyahayga ama agaasimaha barnaamijka ololahayga ugu yaraan haddii uu iga ogolaanayo.
Waxaa ka muuqatey mudane Muuse Biixi in uu yahay nin aqoon dheer u leh dhaqanka Soomaalida,siyaasadeeda iyo arimaha bulshadaba wax badana akhriyey, mar uu ka hadlaayey siyaasada uu wax ku maamuli doono iyo qorshihiisa waxa u sheegay in ay sadex arimood isaga muhiim u yihiin kuwaas oo kale ah: Amniga dalka iyo dadka in uu sugo maadaamo wadanku ku yaalo gobol holcaaya, kan labaad oo ah arimaha dibada in uu xoojiyo xidhiidhka lala wadaagayo wadamada dariska ah Itoobiya iyo Jabuuti iyo qodobka Sadexaad oo ah in uu wada lahaansha baro ummada reer Soomaaliland.
Waxaa kale oo jiray safar dheer oo guddoomiyaha iyo wafdigiisu ku soo mareen gobolka Awdal intiisa badan. Iinta aanan kaas u gelin aan dib ugu laabto kulammadii Cabdiraxmaan-Cirro iyo reer Awdal… la soco…
Hoos ka akhriso qaybtii koowaad:
Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.1aad