Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde ayaa waxa uu maanta laba bas ku wareejiyey Maayarka Ceerigaabo iyo Guddoomiyaha Jaamacada Sanaag kuwaas oo ay ugu talo in ay guraan ardayda Jaamacada.
Ardayda ayaa waxa hore uga codsadeen wasiirka Arrimaha Guddaha ardayda dhigata jJamaacadda Sanaag.
Wasiirka oo ka hadlay xaflada wareejinta labadan bas ayaa waxa uu sheegay in Ilaahay ku soo asturay balanqaadkii ay u qaadeen maamulka Jaamacada Sanaag isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Labadan baabuur oo ku yimi dedaalka dawladda iyo waxqabadkeeda oo uu u horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamuud “Siilaanyo” , waxa xusid mudan in safar aan dhowaan ku tegay Ceerigaabo ayey ardayda Jaamacaddu naga codsadeen in aanu bas ugu deeqno, iyadoo Jaamacaddu aad uga fog magaaladda, dhigtaana hablo badan oo dhib badani ka iman karto marka ay habeenkii lugaynayaan.”
Dhinaca kale waxaa usaguna halkaasi ka hadlay Maayirka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:
“Labadan bas ee aanu maanta halkan kula wareegnay waxa ay ka mid ahaayeen codsigii aanu u jeedinay wefti uu hoggaaminayey Wasiir Cali Waran-cadde oo aan aad ugu mahad celinayo oo noogu yimid Ceerigaabo.”
Sidoo kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Sanaag ka mahad naqay dadaalka xukuumaddu u gashay sidii ay u heli lahaayeen basasan iyo fulinta balan qaadkii uu wasiirku u fidiyey .