Donald Trump oo laga baqayo in uu Maraykanka madaxweyne ka noqdo Salaasada

 

Waxa laga baqayaa in ay Maraykanka ku dhacdo tii Ingiriiska ku dhacday bishii June ee dadweynaha dadkaasi ay u codeeyeen in Ingiriisku ka baxo Yurub, go’aankaas oo filan-waa ku noqday bulshada caalamka. Salaasadana sidoo kale waxa laga baqayaa ninka aan dunida laga jeclayn ee Donald Trump in uu noqdo madaxweyne kadib markii uu adkaaday tartankii u dhexeeyey Clinton iyo isaga, gobollada qaarna uu isagu ku kor maray.

Sahanada qaar la sameeyey ayaa muujinaya in laga yaabo in labada murashaxba ay helaan tiro is leeg (269 iyo 269 “electral college”) oo ah ergayda go’aamisa cidda madaxweyne ka noqonaysa Maraykanka. Haddii is barbar dhacaasi yimaado waxa arrinka loo gudbin doonaa Congress-ka dalkaas si uu mid ahaan ugu codeeyo midna u reebo.  Maadaama Congress-ka ay Jamhuurigu u badan yihiin waxa la filayaa in ay u codeeyaan Trump.

Waxa iyaguna jira sahano la qaaday oo muujinaya in Clinton ay ku horrayso hal dhibic halkii ay toddobaad ka hor ku horraysay inta u dhaxaysa 8 ilaa 10 dhibcood. Gobollo ay markii hore la wareegtay Clinton sida Georgia, Texas iyo Utah ayaa haatan gacanta u galay Trump. Gobolladan oo asal ahaan taageeri jiray Jamhuuriga ayaa ka cadhaysnaa hab-dhaqanka Trump laakiin waxay fikraddoodii beddeleen intii faddeexadda cusub ee dhinaca emaillada lagu soo saaray Hillary Clinton.

Toddobaad ka hor cidina kama fikirayn in uu Trump haybsan karo madaxweynenimada Maraykanka. Hase ahaatee waxa muuqata baadhitaannada ay soo cusboonaysiiyeen FBI-du in ay dhaawac weyn u gaysteen Hillary Clinton, haatana ma kala cadda Clinton iyo Trump kooda madaxweyne noqon doona Salaasada.

Bandhige News

Bandhige@gmail.com