Donald Trump oo markii koowaad ka gacan-sarreeya Hillary Clinton

 

Waxa maanta soo gabagabowday muddo dheer oo Hillary Clinton hoggaaminaysay tirada codadka la filayo in ay hesho doorashada dhacaysa 8-da November kadib markii sahan ay maanta sameeyeen ABC, Washington Post iyo wargeysyo kale oo awood badani ay muujiyeen in uu Trump hal dhibic dhaafay Hillary Clinton iyadoo ay hadda kala haystaan 45% iyo 46%.

Trump ayaa kor u soo booday 11 dhibcood muddo toddobaad gudahood ah, waxaana loo aanaynayaa eedaymaha dhinaca emaillada ee dhawaanahan ku soo cusboonaaday Hillary Clinton.