Donald Trump waxa uu hadallo ku weerarayh Shiinaha

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa qoraalo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku weeraray siyaasadda Shiinaha.

Trump ayaa xukuumadda Beijing ku edeeyay in ay khakhal galineyso lacagta Maraykanka, oo ay la wareegayaan shaqooyinkii Maraykankaa, haddana ay sii xoojinayso awoodeeda milateri iyadoo saldhigyo milateri ka dhisaysa Koonfurta Badda Shiinaha.

Maraykanka ayaa horay ugu dhaleeceeyay Shiinaha hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dollarka , waxaan uu sheegay in ay si cadaalad darro ah ugu eexaneyso ganacsatada Shiinaha . Trump ayaa ka cadhooday wada hadal dhexmaray Shiinaha iyo Taiwan .

Maraykanka ayaa sidoo kale horay u sheegay in xukuumadda Beijing ay joojiso sheegashada jaziirada koonfurta Shiinaha oo dalal badani ay sheegtaan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Maraykan ahi.

Goor sii horeesayna xoghaya arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry waxaa uu kula taliyay kooxda Trump ee ku howlan la wareegida xukunka in la tashi ay la sameeyaan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ka hor inta aysan xidhiidh la sameyn hoggaamiyeyaasha shisheeye.

Donald Trump ayaa waxa uu muuqdaa mid wax ka bedela cilaaqaadkii waddama xidhiidhka dhow la lahaa Maraykanka. Kadib markii ku dhaqaaqay xidhiidho ku cusub Maraykanka oo qaarkood ka cadhaysiiyeen waddamo xidhiidh dhow ay lahaayeen.

bandhige@gmail.com