Donald Trump waxa uu ku ammaanay madaxweynaha Ruushka talaabada uu qaaday

 

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Putin ee ah in aanu qaadin talaabo la mid tan ay Maraykanka ceydhiyeen diblomaasiyiin Ruush ah.

Kuwaasoo loo haysto in ay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in uusan mastaafurin doonin diblumaasiyiinta Maraykanka.

Putin wuxuu sheegay in uu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go’aan gaadhin.

Wuxuu xaqiijiyay in carruurta diblumaasiyiinta Maraykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka oo dabaadeggayaan sannadka cusub ay kaga qeybgali doonaan.

Dhanka kale John McCain oo horay musharax madaxweyne u soo noqday ayaa ku tilmaamay talaabada Ruushka lagula xidhiidhinayo jabsashada aalada internetka ee doorashooyinkii Maraykanka ka dhacay in ay ahayd talaabo weerar ah, ayna tahay in Ruushka uu wajaho abaalkiisa.

Halkan hoose ka eega weedhaha ammaanta ah ee uu Donald Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka:

bandhige@gmail.com