Hindiya: Wasiir shaqadii uu hayey qaran ka eryay Aabihii

 

Wasiirka gobolka Uttar Pradesh oo ah gobolka ugu dadka badan waddanka Hindiya ayaa waxa xisbigii uu ka tirsanaa ka eryay Aabihiis.

Wasiirka oo lagu magacaabo Akhilesh Yadav ayaa waxaa shaqada ka eryey “si loo badbaadiyo xisbiga” Samajwadi Party (SP) hoggaamiye Mulayam Singh Yadavs oo ah Aabihiis sida ay sheegtay warbaahinta Hindiya.

Madaxa xisbiga SP ayaa sheegay in xisbigu uu go’aansan doono wasiir goboleedka xigga ee baddalaya wasiirkan shaqadda laga eryay.

Doorashooyinka ayaa la filaya in lagu dhawaaqo gobolka Uttar Pradesh maalmaha soo socda.

Talaabaada Mulayam ayaa ka dambeysay ka dib markii wiilkiisu uu baahiyey magacyada 235 musharaxiinta doorashooyinka soo socda, inkastoo xisbigu goor horaba uu ku dhawaaqay xubnihiisa. Liiskaas ayaa waxa ka mid ahaa taageerayaasha Akhilesh, waxaana uu ka saaray xubno daacad u ah Aabihiis.

Shaqo ka eryida ayaa waxay taagnaan doontaa muddo lix sanno ah. Waxaa sidoo kale xisbiga laga eryay inaadeerkiis Ramgopal Yadav oo xisbiga ka ahaa masuul sare.

Cadhada xisbiga ee ku aadan wasiirka ayaa timid kadib markii uu ku dhawaaqay shir deg deg ah oo xisbiga SP isagu yimaado 1-da bisha January, laakiin Mulayam wuxuu sheegay in isagu uu yahay kan u leh awood in sidaa uu ku dhawaaqo.

“Wasiir Akhilesh Yadav ma fahmayo in Ramgopal uu isku dayayo in uu daciifiyo” Mulayam ayaa sidaa ka sheegay shir saxafaafeed oo uu ku qabtay magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lucknow.

Waxaa jira in ka badan 20 xubnood oo ka mid ah qoyska Yadav oo si firfircoon ugu jira siyaasadda Hindiya, waxa ka dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamaysay taas oo keentay dagaal iyo kooxaysi ka dhex dhaca xisbiga SP. Ma cada in Akhilesh xoog looga qaaday xilka.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in wiilku waa [Wasiirka] ka caansan yahay Aabihiis isagoo ka gaadhi kara meel fog xudduudaha sida wayn uga dhex jira siyaasiyiinta waqooyiga Hindiya.

bandhige@gmail.com