Sida dunida loo sheegay, Osama Bin Laden waxa la dilay 2-dii May 2011, waxana dilay askar labaatan ah oo ka tirsan ciidamada sida ugu sarraysa u tabobaran ee loo yaqaan Navy Seals Team 6, kuwaas oo laba helikobtar watay iyadoo midkood ay ku burburtay isla gurigii Osama lagu dilayey dushiisa. Goobta lagu dilay waxa ay ahayd guri uu deggenaa ku dhawaad lix sanno oo ku yaal Abbottabad, meel aan ka durugsanayn xerada weyn ee milatariga Baakistaan magaaladan ku leeyahay.
Hase ahaatee waxa sheeko tan ka duwan qaba qoraaga ruug-caddaaga ah ee aadka loo dhagaysto Seymour Hersh wuxuna warka ku saabsan hawl-galkii Osama lagu dilay ku sheegay mid been badani dhex fadhido. Hersh wuxu sameeyey daraasad socotay muddo afar sanno ah, wuxuna waraystay kuwii dilka fuliyey iyo madaxdii wakhtigaas ee sirdoonka Maraykanka.
“Beenaha ugu waaweyn ee maamulka Obama ina liqsiiyey waxa ka mid ah sidii Osama Bin Laden loo dilay. Waxa ay inooga dhigeen nin Marayku warkiisa soo heleen kadib markii ay daba-gur ku sameeyey gacan-yarihii Osama oo magaciisa la odhanayey Axmed-Al-Kuweydi dabadeedna inta Baakistaan laga qariyey la weeraray halkaasna lagu toogtay. Taasi gebi ahaan waa been” ayuu yidhi Seymour Hersh.
Seymour Hersh, sida uu ku faahfaahiyey maqaal aad loo akhristay oo uu maalin dhawayd ku soo bandhigay jariiradda adduunka ugu weyn ee la yidhaa New York Times, Maraykanku keli kuma uu ahayn qorshihii Bin Laden lagu khaarajiyey. Si kale haddii loo dhigo Bin Laden in uu dhinto waxa sabab u ahaa sirdoonka Baakistaan.
“Bin Laden wuxu muddo dheer la-hayste u ahaa sirdoonka Baakistaan, markii dambena iyaga ayuun baa go’aansaday in ay Maraykanka ku wareejiyaan. Kadibna sidaas ayay ugu wareejiyeen laguna toogtay” ayuu yidhi Hersh.
Faallo ay xalay CNN-tu ka diyaarisay, waxa lagu sheegay in haddii Symour Hersh oo looga qaateen ah uu warkiisu rumoobo uu dilka Osama noqon doono beentii ugu waynayd ee in muddo ah loo sheego dadka Maraykanka isla markaana faddeexadda ka dhalataa ay la mid noqon donto tii Watergate ee galaafatay Madaxweyne Richard Nixon isaga oo is casilay wakhti uu badhtanka kaga jiray muddo-xileedkiisii madaxweynenimo. CNN-tu waxa ay tidhi koobka beenta waxa qaadi doonta Hilary Clinton oo sawir laga qaaday maamulka Obama mar la sheegay in ay toos u daawanayeen qorshaha dilka Osama ay kamaraddu qabtay iyadoo oo dhabannada gacmaha ku haysa, iskana dhigaysa qof u werwersan labaatanka askari ee halista intaas le’eg u badheeray weerar-na ku qaaday dal aanay fasax u haysan soo gelistiisa. Seymour Hersh oo sababaynaya sababta kaliftay in beenta intaas leeg la sheego wuxu yidhi:
“Sababta uu Obama sidaas u yeelay, maamulkiisuna uu beenta intaas leeg ugu sheegay dadweynaha Maraykanku waxay ahayd isagoo oo doonayey in uu ka dhigto qodob uu muddo-xileedkiisii labaad doorashada ku galo. Waanay u shaqaysay oo qodbkani wuxu ka mid ahaa guulihii lagu doortay Obama”
Qoraagan oo ku caan-baxay fashilinta siraha qarsoon, muddo dheer daraasad ku hayey geeridii Osama wuxu maqaalkiisa ku sheegay.
“Marka runta laga hadlo, Osama Bin Laden wuxu dhuumaalaysi ku noolaa oo kali ah intii u dhaxaysa 2001-dii ilaa 2006-dii. Wixii ka dambeeyey wuxu maxbuus u ahaa Baakistaan iyo Sucuudiga. Sirdoonka Baakistaan ayaa 2006-dii lacag badan oo laaluush ah siiyey qabaa’il uu ku dhex xanuunsanayey Osama si ay u sheegaan halka uu ku sugan yahay. Kadibna waxa ay ku qabteen nolol, waxayna maxbuus ahaan ugu hayeen guriga uu ugu dambayntii ku dhintay. Sucuudigu wuu ka war-helay markiiba in Osama in uu maxbuus yahay, Baakistaana wuxu kula taliyey in aanay dilin oo ay maxbuus ahaan u hayaan, taas beddelkeeda wuxu Sucuudigu Baakistaan siin jiray dhaqaale badan.”
Taliyihii hore ee sirdoonka Baakistaan Janaraal Durrani oo CNN-tu la xidhiidhay si ay arrinkan wax uga waydiiso, wuxu sheegay in aanay isaga la ahayn in Maraykanku qaaday weerar aanay Baakistaan ogayn isla markaana uu u malaynayo in aanay Baakistaan arrinkan ka gacan-madhnayn, hase ahaatee aanu hayn caddayn uu ku taageeri karo Semour Hersh.
Hase ahaatee foolaadka warbaahinta Maraykanka oo CNN-tu ugu horrayso ayaa shakhi badan ka qaba sida lagu rumaysan karo Seymour Hersh, laguna beenaysan karo xukuumadda Maraykanka oo isku dhan. Tifaftirka CNN-tu waxa ay sheegeen in aanu Hersh kaligii ku ahayn sheekooyinka kala duduwan ee la xidhiidha dilkii Osama, sidaas daraadeedna ay tahay in aan dhakhso loo beensan ilaa la helayo wax si cad u burinaya xogtiisa.
Hoos ka akhriso maqaal hore oo la xidhiidha Bin Laden.