Islofaaniya oo Yurubta kale ka dalbatay taageero dhinaca qaxoontiga ah

Isloofaaniya oo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof ayaa waxay maalmihii u dambeeye aad u dareemeen qulqulka qaxoontiga ku soo qulqulayaYurub oo soo galay.

Isloofaaniya ayaa waxay dalbatay in Yurubta kale la soo gaadho caawin loo fidinayo dadka qaxoontiga maadaama aanay iyagu qaadi karin qaxoonti badan.

Isloofaaniya waxa haatan u fidisaa dadka qaxoontiga ee xuduudeeda ka soo galay dhinaca Kureeshiya ciidamo ilaaliya. Isloofaaniya ayaa haatan ah waddamada dadka qaxoontiga ka soo gudbaan ee taageero siiya qaxoontiga una ogol in ay dhexmaraan.

Kureeshiya iyo Isloofaaniya ayaa waxay taageero kooban u fidiyaan muhaajiriinta ku sii qulqulaya Yurubta kale.

Xaalada muhaajiriinta iskaga kala gooshaya Yurub dhexdeeda ayaa waxa maalmahan dambe soo foodsaaray xaalad cimilo oo adag taas oo la kulmeen roobab iyo qabow badan oo ka dhacay Yurub.

 

bandhige@gmail.com