Salaasadii inna dhaaftay waxa qabsoontay doorashadii madaxweynenimada Marykanka oo ah dalka ugu awoodda badan dunida. Waxa ku loollamaya Madaxweynaha xilka haya Donald Trump iyo Madaxweyne-Xigeenkii hore Joe Biden.
Madaxweyne-Xigeenkii hore ayaa hadda tiro aad u kooban ku hoggaaminaya dhibacaha guud ee doorashada halka aanu Trump laftiisu dab yar shidayn. Joe Biden wuxu haystaa codad dhan 264 Electoral College oo ah kuwa doorashada go’aamiya, halka Donald Trump ka haysto 214 cod. Marka la eego nidaamka doorashooyinka Maraykanka, labadooduba waxay leeyihiin rajo ay ku noqon karaan Madaxweyne, iyadoo wax waliba ay ku xidhan yihiin natiijooyinka ka soo baxa gobollada tirintoodu ay hadda socoto.
Dadweynaha Maraykanka iyo kuwa dunida kaleba waxay wali dhawrayaan dhinaca uu miisaanku u ciiri doono. Sida caadiga ah, doorashada Maraykanka waxa natiijadeeda la ogaan jiray isla marka ay fiidnimada xidhmaan goobaha codayntu. Hase ahaatee waxa hadda saamayn ku yeeshay xanuunka karoonaha iyadoo dad badani ay boosta ku soo rideen codkooda, kuwo kalena ay codeeyeen ka hor intii aanay doorashadu qabsoominba.
Waa la wada tiriyey codadkii gobollada marka laga reebo afarta gobol ee la filayo in ay kala saaraan labadan musharax ee isku dheggan; kuwaas oo kala ah Nevada (oo 6 cod leh), Pennsylvania (20 cod), Georgia (16 cod) iyo North Carolina (15 cod).
Si uu Madaxweyne u noqdo Trump wuxu u baahan yahay in uu ku guulaysto afartan gobol oo isku dhan. Haddii uu mid ka mid ah ku guulaysan waayo, ma noqon karayo madxweyne.
Hase ahaatee Joe Biden wuxu u baahan yahay oo kali ah in uu ku guulaysto gobolka ugu codka yar afartooda oo ah Nevada. Sida muuqatana gobolkaas isaga ayaa codad badan ku horreeya wakhti xaadirkan, isaga ayaana la filayaa in uu ku guulaysto haddii aanay xagga dambe wax iska beddelin.
Trump wuxu ku horreeyaa 3da gobol ee kale, laakiin marka ay tirintu socotoba faraqa labadooda u dhaxeeya ayaa hoos u dhacaya labada gobol ee muhiimka ah Pennsylvania iyo Georgia, taas oo macnaheedu yahay in dabaysha guushu u socoto dhinaca Joe Biden.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la filayaa in warka oo isku dhan caawa ilaa berito la oogaado. Hase ahaatee maadaama uu kiisas dhawr ah Madxweyne Trump ka furtay maxkamadda sare natiijada rasmiga ah ku dhawaaqiddeedu waxa laga yaabaa in ay toddobaaddo qaadato.
Kala soco Bandhige hadba wixii ka soo kordha doorashada Maraykanka.