Doorashadii Maraykanka oo ilaa Salaasadii la kala laalaaday ayaa u muuqata in natiijadeedu ay maanta midab soo yeelanayso. Waxa Trump lagaga tiro batay labadii gobol ee ugu dambeeyey ee rajadiisa ahaa kuwaas oo ah Georgia iyo Pennsylvania iyadoo tirintii codadku ay meel gabogabo ah ku dhaw dahay.
Sidii aanu gelinkii hore ee maanta warinay Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa hoggaaminaya dhibacaha guud ee doorashada, waxyana kala marayaan Joe Biden oo haysta codad dhan 264 Electoral College iyo Donald Trump oo haysta 214 cod. Electoral College-yadu waa tirada codad ah ee gobol waliba leeyahay, waana kuwa go’aamiya guusha doorashada.
Trump wuxu lahaa rajo uu jaranjarada ku soo fuuli karo maanta gelinkii hore, ka hor intii aan lagaga cod badan Pennsylvania (20 cod) Georgia (16 cod), laakiin hadda waxay u muuqataa rajadaasi in ay gebi ahaanba meesha ka baxday.
Hase ahaatee Trump wuxu hadda dagaalkiisii u wareejiyey dhinaca sharciga, isaga oo ku doodaya in lagaga shubtay, isla markaana kiisas badan ka furtay maxkamadaha Maraykanka.
Dadweynaha Maraykanka iyo kuwa dunida kaleba waxay wali dhawrayaan in si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijooyinka, kadib marka ay gabagaboobaan gobollada ay hadda tirintoodii gabagabada tahay, kuwaas oo kala ah Nevada (6 cod), Pennsylvania (20 cod), Georgia (16 cod) iyo North Carolina (15 cod).
Sida caadiga ah, doorashada Maraykanka waxa natiijadeeda la ogaan jiray isla marka ay fiidnimada xidhmaan goobaha codayntu. Hase ahaatee waxa hadda saamayn ku yeeshay xanuunka karoonaha iyadoo dad badani ay boosta ku soo rideen codkooda, kuwo kalena ay codeeyeen ka hor intii aanay doorashadu qabsoomin.
Si kastaba ha ahaatee, waxa la filayaa in warka oo isku dhan xilliyada dambe ee caawa ilaa berito la oogaado. Hase ahaatee, maadaama ka garnaqa maxkamaduhu ay wakhti qaataan, natiijada rasmiga ah ku dhawaaqiddeedu waxa dhici karta in ay toddobaaddo qaadato.
Kala soco Bandhige hadba wixii ka soo kordha doorashada Maraykanka.
Ilwareed: Wakaalada Caalamiga Ah