Dooxa Aw-Barkhadle oo qaaday gawaadhi

Dooxa AW-Barkhadle ayaa qaaday gaadahi noociisu yahay dhayne halka shan gaadhi oo kalena laga soo badbaadiyay sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha Aw-Barkhadle Mahad Maxamuud Gahayr gaadhigan oo ay lahayd shirka jaadka ee 571 ayuu dooxu qaaday xili uu isku deyay in uu ka gudbo dooxa oo aad u rogmanayay.

Maamulka iyo dadka deegaanka Aw-Barkhadle ayaa dirqi ku soo badbaadiyay darawalkii gaadhiga waday iyo nin kale oo la saarnaa gaadhiga iyaga oo kaashanaya ciidanka booliska iyo cagaf-cagaf ay dowladda hoose ee Hargeysi u dirtay.

Guddoomiyaha Aw-Barkhadle oo dhacdadan ka hadlayaana waxa uu yidhi:

โ€œWaxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa Maayorka iyo xoghayaha dowladda hoose ee Hargeysa oo aad noola shaqeeyay gacan weyna ka geystay sidii aanu u soo badbaadin lahayn baabuurtan dooxu qaaday iyagoo noo soo diray Cagaf wax weyn noo tartay.โ€™โ€™

Ugu dambeyntii waxa uu Guddoomiyhu u soo jeediyay darawaliinta baabuurta in ay taxadir badan iyo masuulliyad dheeraad ah muujiyaan oo aanay isku dayin in ay ka talaabaan dooxa ย oo socda, isla markaana ay maamulka iyo ciidamada ammaanka kala tashadaan in ay ka talaabi karaan si aanay halis u galin iyaga iyo rakaabka ay sidaanba.

Gaadiidka iskaga goosha Hargeysa iyo Berbera ayaa dhibaatooyin badan kala kulma mararka dooxyadda u dhexeeya Hargeysa iyo Berberi soo rogmadaan.

bandhige@gmail.com