Dr. Maxamed Warsame Ducaale oo loo Doortay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland

Qore Khadar M. Dh ako.

Hargeysa (Dawan) Dr. Maxamed Warsame Ducaale ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland.

Shir ay iskugu yimaadeen Golaha dhexe ee Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland oo ka qabsoomay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay u doorteen Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland Dr.Maxamed Warsame Ducaale.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland Dr.Maxamed Warsame Ducaale oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in u diyaar yahay ururka shacabka Somaliland in wadatashi lagaga yeesho xaalada dalka ku sugan yahay.Waxaana uu yidhi”Waxa uu u diyaar ahay Ururka shacabka Somaliland wada tashi,waxaana aynu wadanka ku soo wadnay wada tashi.xisbiga Mucaaradka iyo Xisbiga Muxaafadka midi waa xaakim oo waakii wadanka xukumayay,mucaaradka waxa weeye in uu lala xisaabtamo Xukuumadda oo uu yidhaahdo maxaa wadanka u dana maxaa la qabtay,wixii wanaagsan ay sheegaan waxaad moodaa Mucaaradnimadu in ay tahay hala qabto doorasho oo kursi uun la eego waa aan leeyahay waar wadanka hala eego,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com