Wasaaradda Biyaha JSL oo Hay’adaha Caalamiga ah Kala Shirtay Sidii Bulshadu u Heli Lahayd Biyo Nadiifa oo Ku Filan

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda kheyraad Biyaha Somaliland ayaa Hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin kala shirtay si bulshada dalku u heli lahayeen biyo nadiif ah oo ku filan.

Wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha ayaa soo qaban qaabisay kulanka bilahe ah oo ay ka soo qayb galaan Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland.

kulankan oo ahaa mid wada tashi ayaa waxaa lagu lafa guray mashaariicda Biyaha ee guud ahaan laga fuliyay dalka kuwa dhamaaday, kuwa socda iyo waliba qorsha-hawleedka mashaariicda biyaha ee Sanadka 2024 iyo sidii looga hawlgali lahaa dhamays tirkooda.

Sidoo kale waxa diirada lagu saaray kulanka sidii bulshada Ku dhaqan guud ahaa dalka ay u heli lahaayeen biyo Nadiifa oo ku filan, waxaana aad la si kula eegay dhamaan Ceelasha iyo dhaamamka laga hirgaliyay dalka kuwa u baahan dayactirka iyo sidii deg deg looga hawlgali lahaa in Ceel kasta oo u baahan dib u habayn loo hagaajin lahaa.

Sidoo kale waxa kulanka lagu gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa dayactirna loogu samayn lahaa guud ahaan ilaha biyaha dalka ee hore u shaqayn jiray , iyada oo halkaa lagu falanqeeyay sidii wax badan looga qaban lahaa biyaha dalka maadama oo lagu jiro xili adag oo qaybo dalka ka mida aanay weli helin raxmaadkii eebe.

Gebo’gabadii wasaaradda kheyraadka Biyaha Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay guud ahaan bulshada Somaliland heli lahaayeen Biyo nadiif ah oo ku filan Miyi iyo magaalaba, waxaan ku dedaalaysaa inay haagin iyo dayactir ku samayso dhamaan Ceelasha biyaha ee dalka iyo in laga qodo Ceelal goobaha u baahan ee aan ilaa hadda biy helin.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com